Xisbiga UCID Oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ku Eedeeyay Inuu Ka Cago-jiidayo Inuu Go’aan Ka Gaadho Dacwad Ay U Gudbiyen

Hargeysa (Dhamays) – Xisbiga UCID ayaa Farriin adag u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, waxayna ku eedeeyeen inuu ka Cago-jiidayo inuu Go’aan ka soo saaro Dacwad uu Xisbigaasi ku doonayo in Goleyaasha deegaanka Dalka laga saaro Xildhibaanno ka soo baxay Xisbiga, balse dhawaan ku biiray Xisbul-xaakimka KULMIYE.

Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdillaahi iyo Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbigaasi Cabdiraxmaan Jaamac, oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ku eedeeyay inuu war-wareejinayo Qareennada u doodaya Xisbiga UCID.

Xoghayaha Warfaafinta UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Guddoomiye waanu kugu ammaanaa kursiga Maxkamadda sare ee aad fadhido, laakiin Arrin Sharci oo Xildhibaan Maanta ayaa kuugu horeysa, markaa Maanta ayaa lagu eegayaa ayaanu ku leenahay. Arrinkaa inaad si deg-deg ah wax uga qabato ayaanu doonaynaa, Kursigana waa kii Dadka Somaliland oo dhami u sinnaayeen.”

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbigaas Mr. Cabdiraxmaan, ayaa isaguna sheegay “Haddaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare Go’aan ka soo saarin Arrintan waxa ka dhalan kara waxaan imika u muuqanayn.” Ayuu yidhi.

Xisbiga UCID, ayaa doonaya in Goleyaasha deegaannada Dalka laga saaro 7 Xildhibaan oo ay ku jiraan Maayarrada Gabiley iyo Berbera, ka dib markii iyagoo ka soo baxay Xisbiga UCID ay ku biireen Xisbiga KULMIYE.
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal