Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Baxay Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Dhamays) – Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa Maanta iska Casilay isla-markaana ka baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa.

Shir-jaraa’id oo uu Xildhibaan Siciid ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayuu ku sheegay inuu ka baxay Xisbigaasi “Maanta Anigoon cadhaysnayn oo Maankayga qaba waxaan ku dhawaaqayaa inaan ka baxay Xisbiga WADDANI.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inuu ka xun yahay in Xisbiga WADDANI uu u sharaxi waayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaanku ma sheegin Xisbi uu ku biirayo, laakiin Dorashadii Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada, wuxuu u codeeyay Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, kuna guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal