Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Baaq U Diray Ganacsatadda Dalka

Hargaysa (DMG)- Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Guddoomiyaha gudi hoosaadka arrimaha bulshadda ee golaha wakiiladda Somaliland, ayaa ugu baaqay  xukuumadda  iyo  gudoomiyaha baanka dhexe in ay wax ka qabtaan sixir-bararka saameeyay bulshadda.

 

Waxaanu tilmaamay xildhibaan Xasan Cawaale,  in gebi ahaanba baceedaha kala duwan  iyo  maciishada-ba  lagu iibinayo dollar, isla markaana aanu jirin wax lagu kala iibsanayo lacagta shillinka Somaliland.

 

Xasan Cawaale Caynaan, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayaa sidoo kale  waxa uu baaq u diray ganacsatadda dalka.

 

“Waxaan fariin adag u dirayaa guddoomiyaha baanka dhex,  waxaanan  leeyahay  guddoomiye waa in aad wax ka qabataa sixir-bararka,  saameeyay jamhuuriyadda Somaliland.  Xukuumadda waxaan leeyahay sixir-bararkaasi dadka wada saameeyay waa in uu ka jabaa”ayuu  yidhi guddoomiyaha gudi hoosaadka arrimaha bulshadda ee golaha Wakiiladda.

 

 Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi  “Haddii Makhaayad koob Shaah ah ka cabto,  wuxuu ku odhanayaa hal ($1) dollar  keen. Bacadlaha haddii aad tagto, oo aad Koodh baayacdo,  $50 dollar keen ayuu ku odhanayaa. Haddii aad Bakhaar tagto dollar keen ayuu ku  odhanayaa, ma jiro wax lagu iibsanayaa lacagtii Somaliland”.

 

 Geesta kale xildhibaanku waxa uu ugu baaqay ganacsatadda in ay lacagta shillinka Somaliland wax ku iibiyaan, isagoo si gaar ah ula hadlay shirkadda TELESOM.

 Waxaanu yidhi “Ganacsatadda waxaan leeyahay waa in lacagta shillinka Somaliland la isticmallo, oo aan maciishadda iyo badeecadaha kale dollar lagu iibin. Sababtoo ah haddii dollar wax lagu iibiyo  sixir-bararku wuu sii kacayaa.

TELESOM, waxaan leeyahay dollarka shillinka Somaliland noogu bedella. Waana in lacagta Zaadka shillin Somaliland lagu shubtaa”.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudooyinkan danbe si aad ah looga dareemayaa sixir-barar balaadhan oo ka jira magaalooyinka Somaliland, isla markaana saamayn taban ku keenay  bulshadda gaar ahaana kuwa danyarta ah.

 

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal