Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Wakiillada Oo Sheegay In Askar Uga Soo Cawdeen Saamaynta Uu Noloshooda Ku Yeeshay Sicir-bararka Dollarku

Hargeysa (Dhamays) – Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Guddi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay Cabasho la xidhiidha Sicir-bararka Lacagta Dollarka iyo Qiimo beelka Shilinka Somaliland u u soo gudbiyeen Askar tiro badan.

Xildhibaan Xasan Cawaale oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Askarta Cabashada ula yimid ay u bandhigeen Duruufaha haysta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in Qiimo dhaca ku yimid Shilinka Somaliland uu sababay inay iska bixin kari waayaan Lacagtii Laydhka Guryahooda ku jira isla-markaana ay Carruurtooda ka bixin kari waayaan Lacagta ay Wax ku bartaan.

Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa ii yimid Askar badan oo ka cabanayey Sicir-bararka, waxay yidhaahdeen Laydhkii ma bixin karno, Ardayda kama bixin karno Bisha (fee). Sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in Sicir-bararka Lacagta la jebiyo.”

Xildhibaanku wuxuu Farriin u diray Madaxweynaha Somaliland oo uu u soo jeediyey inuu wax ka qabto Sicir-bararka Dollarka oo Qiimo-tiray Shilinka Somaliland oo ay Mushaharka ku qaataan Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammaduba, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leeyahay waa inaad Sicir-bararka ka jebiso Dadka iyo Dalkaba, Waayo? Askartii Cabasho badan ayay iila timid, maaddaama oo aan ka mid ahay Guddida Arrimaha Bulshada ee (Golaha Wakiillada), kana hadlo Sicir-bararka iyo Arrimaha Bulshada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Askarta Cabashada ula tagay aanay Qas samayn karin, “Askartaasi Cabasho ayay ii keeneen, wax Qas ahna ma samayn karaan, laakiin waxaanu leenahay Mushaharka ha loo kordhiyo Askarta, hadday Booliis yihiin iyo hadday Milletari yihiinba, Macalimiintana Lacagta ha loo kordhiyo.”

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal