Xildhibaan Diyaarinaya Dacwad Ka Dhan Ah Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa (Dhamays) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inuu Maxkamadda Sare ee dastuuriga ah u gudbinayo dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xildhibaannadii Codka aqlabiyadda ah ku ansixiyey Heshiiska Saldhigga Milletari ee Dawaldda Imaaraadku ka samaysanayso Magaalada Berbera.

Xildhibaanku wuxuu ku eedeeyay Guddoomiyaha Guurtida inuu u badheedhay wax aan sharci ahayn isla-markaana uu maroorsaday awood aanu lahayn markii la ansixinayey Heshiiska Saldhigga Berbera ee Madaxweynuhu labada Gole ee Baarlamaanka hor-geeyay Bishii hore, sidaasi darteedna uu Maxkamadda geynayo Dacwad ah in Sharciga la mariyo Guddoomiyaha Guurtida iyo Xildhibaannadii Ansixiyey Heshiiskaasi oo aanu aqoonsanayn inuu Sharci yahay.

“Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtida) iyo Xildhibaannadii waxa Xilka leh ku meel-mariyey (Heshiiska Saldhigga) waxa naga soo celinaysa inaanu Maxkamad Dastuuriya u furno.: ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxaanu intaa ku daray, “Xildhibaannada Guurtida iyo Wakiillada ah ee sharciga intaas leeg ee ay garanayeen u badheedhay, Anigu Aragtida aan Xildhibaan ahaan qabo waxa weeyaan in Saleebaan iyo Dirkiisii aynu Maxkamad Dastuuriya u furno, markaa Kiiskaasi uu taagan yahay, Saaxiibbadayna waxaan ka rabaa Gacan, Waayo? Dalka ayay Dan u tahay in mar uun la arko Masuul lagu qaado Xil-jebin, ee aanay noqonin Miskiin baa Misko la fuulo leh.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay, “Markaa waxaan leeyahay Saleebaan iyo Xildhibaannadii la ansixiyey (Heshiiska Saldhiggu) ha u diyaar-garoobaan Maxkamad, illaa aan taa ka gudbana shisheeye isma haynno.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo Sharraxaya waxyaabaha ku riixaya inuu Maxkamadda sare ka dacweeyo Guddoomiyaha Guurtida, “Maalinta dhawayd (ee la ansixiyey Heshiiska Saldhigga) ma jiro qodob ka soo aroora Dastuurka oo ogolaanaya in kulanka Labada Gole uu Saleebaan Guddoomiyo, ee fool-eri bay ahayd, markaa Saleebaan wuxuu boobay qodobka 53-aad ee Golaha Wakiilladu gaarka u lahaa (ansixinta).”

Mudane Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku jiray Xildhibaannadii dibadda uga baxay ansixintii Heshiiska Saldhigga Imaaraadka ee Berbera oo Toddobaadkii hore Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland meel-mariyeen.
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal