“Wixii aanu Xarunta Dhaqanka kusoo Aragnay waxaanu horgayn doonaa..” Gudida joogtada Golaha Guurtida

Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, waxaana uu sheegay in mudanayaasha golahaasi Guurtidu ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan xarunta dhaqanka waxay u igman tahay iyo waxay qabataba.

Waxaanu tilmaamay gudoomiyuhu in ay gudidaasi ka wadahadleen waxyaabihii gudidaasi ay wax ka weydiiyeen, halka uu sidoo kalena uu xusay gudoomiyuhu in ay mudanayaasha gudida joogtada ah golaha Guurtida ay wado yeelan doonaan kulamo dambe.

Ugu dambayn gudoomiyaha guddi hoosaadka joogtada golaha Guurtida Somaliland Dayib Xasan Axmed oo ka warbixinaayay kulankaasi ay la yeesheen masuuliyiinta xarunta dhaqanka Hargeysa, ayaa sheegay in arrimihii ay kala kulmeen xaruntaas ay warbixinteeda dib ugu celin doonaan golaha guurtida, Faahfaahinta warkaasi halkan hoose ka Daawo.

Open chat
soo dhawoow walaal