Weriye Hargeysa Ugu Xidhnaa Inuu Muqdisho Tagay Oo Lagu Siidaayey Cafis Madaxweyne

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Cafis ku siidaayey Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex dhawaan ku xukuntay Laba Sannadood oo Xadhig ah, ka dib markii uu ka soo laabtay Socdaal uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) oo Saxaafadda la hadlay ka dib Shirkii Golaha Wasiirrada ee Maanta.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shirkaas (Shir ay Shalay yeesheen Xukuumadda iyo Saxaafadda Somaliland) Midhadhalkiisu waxa uu dhalay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Silaanyo cafis u fidiyay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ahaa weriye maxkamadda gobolka Maroodi-jeex denbi Qaran ku xukuntay kaas oo ahaa 2 sano oo xadhig ah.”

Wasiir Caddaani waxa kale oo uu sheegay “Isagoo tixgalinaya Madaxweynuhu weydiintii ay weydiisteen eheladii iyo Madax-dhaqameed badan ayuu Maanta Madaxweynuhu u fidiyay cafis Madaxweyne, Weriyahaasi.” Ayuu yidhi.

Dhanka kale, Weriye Coldoon oo markii uu Xabsiga ka soo baxay la hadlay Saxaafadda, ayaa u Mahad-celiyey Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Cafis ku siidaayey iyo Cid kasta oo ka xumaatay Xadhiggiisii muddada dhowrka bilood ahaa.

Waxa kale oo uu sheegay in siideynta Madaxweynuhu fursad u siinayso inuu bisha Ramadaan dib u bilaabo dhaqdhaqaaqyadii uu ku caawinayey Dadka Danyarta ah.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal