Weerar Lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska Iyo Waddooyinka Magaalada London Oo La kala xidhay + Muuqaal

London Uk (Dhamays)- Hal qof ayaa ku dhintay Qaar kalena way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay Barxada ore ee Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska.

 

kadib Markii Askari ka tirsan ciidamada booliska dalkaasi UK uu qof Naftii hore ahi uu halkaasi ku tooriyeeyey, qofkii weerarka soo qaaday ee askariga tooreyeeyayna ay ciidamada amaanku toogteen.

Wararka laga helayo goobta weerarku ka dhacay ayaa sheegaya in si badheedh ah gaadhi loo jiidhsiiyey dad marayey buundada Westminster.

Baabuurta gurmadka deg dega ah ayaa gaadhay goobta uu shilku ka dhacay.

Raysal wasaaraha Britain Theresa May oo ku sugnayd baarlamaanka ayaa loo qaaday goob amaan ah markii rasasta la maqlay.

Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xidhiidhin weerar lagu soo qaaday raysal wasaarah, iyada oo la hakiyey kulankii baarlamaanka.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xidhay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawacmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xidho  boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster., Faah-faahinta warkaasi Hoos Ka Daawo.

Open chat
soo dhawoow walaal