Laas-caanood(Dhamays)-Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne Ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta ku dhawaaqey balan-qaadyadii ugu waaweynaa ee loo sameeyo ciidamada Somaliland iyo weli ba sida oo kale magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, waxaana uu sheegay in uu kor u qaadi doono Mushahaarada ciidamada sida oo kale na uu askari kasta oo Somaliland ah ay Xukuumadda WADDANI u dhisi doonto hoy ama guriuu ay ku noolaadaan sida oo kale mashruuca horumarineed ee ugu horreeya ee ay xukuumaddiisu qaban doontaa uu yahay siddii biyo macaan looggu soo saari lahaa magaalada Laascaanood oo hada muddo dheer isticmaalaysay biyo aad u qadhaadh.