Wasiirkii Boosaha Ee Xukuumaddii Rayaale Oo Geeriyooday + DAAWO Wareysi Xusuus Reeb Ah

Hargeysa (Dhamays) – Waxa Maanta Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Alle ha u naxariistee Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, Marxuum Xasan Cabdi Khayre.

Marxuumka oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladihii Somaliland iyo Soomaaliya, sidoo kalena ka mid ahaa Aasaasayaashii Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Somaliland, ayaa waxa Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaalka Tacsida ah oo soo gaadhay Dhamaysnews.com, ayaa u qornaa sidan “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Cabdi Khayre oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 08/09/2017.

Marxuum Xasan Cabdi Khayre waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii Ciidamada Booliska iyo Asluubta ee Somaliland, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland iyo Soomaaliyaba, isagoo markii u dambaysay noqday Wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Xasan Cabdi Khayre aqoonyahan iyo siyaasi waayo-arag ah oo wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiisaba.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

Halkan Hoose Ka Daawo Wareysi Marxuumku kaga warramay Taariikhdiisa

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal