Wasiirka Madaxtooyada Oo Lagu Eedeeyay Khilaafka Golaha Wakiillada Oo Cakirmaya

Hargeysa (Dhamays) – Mudaneyaal ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa khilaafka golaha wakiillada ka taagan ku eedeyay inuu dabada ka riixayo wasiirka Madaxtooyada, iyagoo tilmaamay in Baashe Maxamed Faarax oo doorashadiisii guddoomiyenimada goluhu ay dhalisay muran, isla markaana hore guddiyo loo saaray ay xalintiisa ku guul-daraysteen.

Mudaneyaashan oo kala ah Xildhibaan Xasan Muuse Hufane iyo Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka wada tirsanaa guddidii turxaan-bixinta ee garabka Cabdiraxmaan Talyanle oo Caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in fadhi maanta la iclaamiyay oo lagu dooranayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilladu ay keeni doonto burbur iyo dhibaato golaha u horseedda inuu noqdo laba garab.

Xildhibaannadan ayaa ku hanjabay haddii la joojin waayo fadhiga Berri ee golaha wakiillada ay keeni doonto uu masuuliyaddeeda qaadan doono guddoomiyaha golahaas Baashe Maxamed Faarax oo doorashadiisu ay sal u tahay khilaafkan hadda taagan.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal