Wasiirka Maaliyadda Iyo Guddiga Dib U Habaynta Xisaabaadka Qaranka Oo Kulmay

Hargeysa  (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Maanta kulan la yeelatay Guddiga dib u habaynta Xisaabaadka Qaranka, maaddaama oo la doonayo in Xisaabaadka Qaranka loo beddelo Hab Casri ah, taasi oo ay waddo Wasaaradda Maaliyaddu.

Mashruuca dib loogu habaynayo Xisaabaadka Qaranka Somaliland ayaa waxa Maal-gelinaya oo Somaliland ka caawinaya Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub oo iskaashanaya.

Kulanka Wasiirka Maaliyaddu la yeelatay Guddiga Dib u habaynta Xisaabaadka Qaranka Somaliland oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa dib loogu eegayey waxyaabaha Qabsoomay muddada uu socday iyo Caqabadaha ka hor-yimid, si looga gudbo, sidaana waxa sheegtay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Saxaafadda la hadashay markii kulankaasi dhamaaday.

Wasiir Samsam oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Marka hawl la galo ayay wax soo bax-baxaan, markaa waxaanu ka hadlaynay Caqabadaha naga hor-yimid iyo halka looga gudbayo.”

Wasiiraddu waxa kale oo ay sheegtay “Waxa kulanka nala jooga Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka ansixiyey Xeerka iyo La Taliyihii caawinayey, Agaasimaha Guud, Guddigii (Dib u habayntu way wada joogaan). Markaa Anigaa ka maqnaa Muddadii Abaaraha, markaa iyaguna waxay ii sheegayeen (Guddigu) waxyaabihii ka hor yimid, markaa waxbaanu meel isla dhignay..”ayay hadalkeeda sii raacisay Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal