Wasiirka Hawlaha Guud Oo Casuumay Hoggaanka SONYO, Hambalyo-na U Diray Dhallinyarada Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka Iyo Guryaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa ku hambalyeeyey dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasibadda maalinta Qaran ee dhalinyarada Somaliland oo ku began maanta oo ah 20 bisha labaad, taas oo Madaxweynaha Somaliland digreeto ku sharciyeeyey.

Wasiir Cali Mareexaan, ayaa dhalinyarada Somaliland waxa uu ILAAHAY uga beryey in uu maalintan maalinteeda ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, waxaanu u soo jeediyey in ay ilaashadaan taariikhda ay maalintan labaatanka bisha labaad leedahay oo ku beegan maalintii dhagax tuurka ay sameeyeen dhalinyaradii reer Somaliland xilligii dawladdii siyaad barre.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed, ayaa sidaasi ka sheegay munaasibad baalladhan oo Casho sharaf ah oo uu Caawa u sameeyey Xubnaha Golaha Sare ee Dallada Dhalinyaradda Somaliland ee Sonyo xuska maalinta qaran ee dhalinyarada Somaliland awgeed, waxaanu wasiirku ku bogaadiyey dhalinyarada reer Somaliland kaalinta ay kaga jiraan dalka iyo hawlaha qaranka gaar ahaan daladda sonyo ee kulmisa dhalinyarada Somaliland.

Munaasibaddan Casho Sharaftan  ah ee Wasiirku sameeyey ayaa waxa kasoo qeyb galay Hoggaanka sare ee Sonyo, xubnihii xilka wareejiyey, Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda sharmaarke Geelle, Wasiirku xigeenka hawlaha guud Liibaan Yuusuf Cismaan. xubnahan Golaha sare oo dhawaan loo doortay inay majaraha u qabtaan Sonyo mudada saddexda sano ee soo socota ayaa wasiirku ku hanbalyeeyey xilka loo igmaday, waxaanu u sheegay inuu garab-taagan yahay.

Wasiir Cali Mareexaan  waxa hadalladii uu halkaasi ka jeediyey ayaa waxa ka mid ahaa “Waan ku hambalyeynayaa dhalinyarada Somaliland maalintan qaran ee loo aqoonsaday ee ku beegan 20-ka bisha labaad, waxaan leeyahay waa maalin taariikh weyn ku fadhida oo ka turjumaysa xaalad ay soo mareen dhalinyaradii Somaliland wakhtigii dawladdii siyaad barre oo ay dhagax kala hor tageen cadaalad-daradii ay tirsadeen awgeed, waxaan leeyahay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyaa waxa ay kaalin muuqata siisay dhalinyarada, kuwaas oo ka dhex muuqda xukuumadda talada haysa” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah Xukuumadda, kuwaas oo Wasiirka uga mahad celiyey casuumaddan uu u sameeyey Dalladda Sonyo, waxaanay sheegeen in Wasiir Cali yahay masuul ku xidhan dhalinyarada oo ka war haya lana socda xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha Cusub ee Sonyo C/casiis Siciid Saalax, ayaa Wasiirka ugu mahadnaqey casuumaddan, isagoo sheegay inuu yahay Wasiirkii ugu horeyeeyey ee marti-qaad u sameeyey, waxaanu sheegay inay maanta laga bilaabo tirsanayaan.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal