Wasiirka Duulista Oo Ka Hadlay Shaqaale Loo Soo Tababbarayo Somaliland Oo Soomaaliya Sheegtay Inay Hargeysa Ka Qaadeen

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa ka jawaabay Su’aalo laga waydiiyey Dhallinyaro Dawladda Soomaaliya sheegtay inay Hargeysa ka qaadeen oo Hay’adda Maamusha Hawada Soomaaliya ee ICAO muddo Saddex bilood ah ku Tababbarayso Magaalada Nairobi.

Wasiirka Duulista Somaliland wuxuu xaqiijiyey inay jiraan Dhallinyaro reer Somaliland oo Hay’adda ICAO ku tababbarayso Nairobi, kuwaasina markii ay Hargeysa ka duuleen ay Toos u tageen Nairobi ee aanay soo marin Muqdisho, sidaas darteedna aanay ogeyn dhallinyaro reer Somaliland ah oo Dawladda Soomaaliya u dirtay Tababbarka ICAO ee Nairobi.

Wasiirka oo Maanta u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa ka jawaabaya su’aal ahayd waxay ka ogyihiin dhallinyarada reer Somaliland ee Dawladda Soomaaliya sheegtay inay u dirtay Tababbarka Hay’adda ICAO, “Shaqaalaha la soo tababbarayo waxa tababbaraysa Hay’adda Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO. Qalab baa lagu rakibayaa Madaarrada Hargeysa, Berbera iyo Garoowe, markaa Qalabkaa ICAO Gacanta ku hayso Shaqaalihii ka shaqeyn lahaa weeyaan Shaqaalaha la soo tababbarayaa, laakiin Meel ay (Dawladda Soomaaliya) ka soo gasho ma jirto oo loo yidhaahdo Shaqaalaha Somaliland iyadaa tababbaraysa, Waayo? Annaga Shaqaalahayagu Nairobi bay toos u ahaayeen oo ma ogin Shaqaale maray Muqdisho, waxaanuna ka wada soconay Gabadha Maamusha Barnaamijka ICAO ee Nairobi fadhida.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Hay’adda ICAO hore u doonaysay inay Shaqaalaha Somaliland loo soo tababbarayo soo mariso Muqdisho, laakiin ay ka diideen, “Hore ayay iyagu iskugu dayeen inay Muqdisho soo mariyaan, laakiin waanu ka diidnay.” Ayuu yidhi.

Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore shaacisay inay Nairobi u dirtay Dhallinyaro ka badan Konton oo laga kala qaaday Magaalooyinka Hargeysa, Garoowe iyo Muqdisho, kuwaasi oo Hay’adda ICAO muddo Saddex bilood ah ku tababbarayso Nairobi.
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal