Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo Sheegay In Hadallada Xanafta Leh Ee Xisbiyadu Saamayn Xun Ku Yeelan Karaan Sumcadda Dalka

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka digay halista ka dhalan karta weedhaha xanafta leh ee murrashaxiinta Xisbiyadu isweydaarsadaan, iyo saamaynta hadalladaasi ku yeelan karaan hannaanka doorashada iyo iyo aqoonsi raadinta Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Md Dr Sacad Cali Shire, ayaa wareysi uu siiyey Telefishanka Qaranka Maanta waxa uu kaga hadlay halista ay sumcada dalka u leedahay eedaha ay isku gudbinayaa Murrashaxiinta Xisbiyadu, waxaanu yidhi  “Waxaa la inagu ammaanaa nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, waxa la inagu ammaanaa hab wanaagii ay inoogu dhaceen doorashooyinkii faraha badnaa ee aynu soo marnay oo si wanaagsan inoogu socday laakiin, hadda waxaad moodaa in hadal xajiimaysan iyo xanaf leh inuu jiro oo aad moodo In quruxdii iyo wanaaggii aynu ku kasbanay ilaa hadda siday wax inoogu socdeen wasakheeyay oo uu saameeyay Cayda, dhalleecaynta iyo ceebayntu cod ma keenaan. Caddaawad uun bay keentaa, caddaawaduna burbur uun bay keentaa ee waxba ma dhisto, marka waxa loo baahanyahay in siyaasiyiintu ay ka fogaadaan wax allaale wixii colaad iyo kala fogeyn dhexdeena ku abuuri kara ee waxyeeli kara geeddi socodka ictiraafkeena iyo horumarkeena”.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in xisbiyadu ku eekaadaan sharraxidda barmaamijyadooda wax qabad laakiin, aanay xajiimayn u bandhigin bulshada “Arrinkaasi wuxuu dhaawacayaa geedi socodka ictiraafkeena, Doorashooyinkeena caalamka oo dhan baa isha ku haya, Guulo badan baynu ka soo hoynay ilaa maanta, dooddii maalintii dhawayd ugub bay ku ahayd gobolka haddii aanay Afrikaba ku ahayn, waa tusaale wanaagsan oo ka mid ah tusaaleyaasheenii hore”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dadka Somaliland, waxaanu yidhi  “Dhibaatooyin badan baa jira oo u baahan in wax laga qabto oo lagala hadlo dadka 70% dadkeenu waa bilaa camal, carruurteena 50% waxba ma bartaan oo iskuul ma tagaan, dadkeena 50% wax ma qoraan, waxna ma akhriyaan, carruurteena dhalata 10kiiba mid baan gaadhin 5 jir, ummul raaca waxaynu caalamka ka nahay lambar kow, dadkeena 50% in ka yar ayaa biyo nadiif ah hesha, marka dhibaatooyinkaas oo dhan baa u baahan in laga hadlo oo cid walba waxay ka qabanayso dadka u bandhigto”.

Ugu dambeyntii, Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha dibada Somaliland kaalin muhiim ah ka ciyaartay heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo, sidoo kalena door muhiim ah ka qaadatay heshiiska maalgashi ee dekedda Berbera, waxaanu xusay in xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka jaarku uu yahay mid meel fiican maraya, islamarkaana kor loo qaaday cilaaqaadka Somaliland iyo dalalka dariska.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal