Wasiirka Arrimaha Dibada oo Qadiyadda Somaliland u Bandhigay Dowlada iyo Shacabka Canada.

Ottowa (Dhamays)- Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga dalka Canada, ayaa caasimadda dalkaas ee Ottowa kaga qayb-galay shirweyne kor loogu qaadayo qaddiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Canada isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen jaaliyadda Somaliland ee dalkaas, waxa uu Wasiir Ciise Kayd ka jeediyey Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu ku soo bandhigay dhowr luqadood, waxaanu kaga warramay geeddi-socodkii horumarka iyo dhismaha qaranimada JSL iyo heerka ay xilligan marayso, isagoo si qoto-dheer u faahfaahiyey dedaalka aqoonsi-raadinta ee xukuumadda uu ka tirsan yahay ku hawlan tahay, Hadalkii Wasiirka oo muuqaal ah Halkan Hoose ka Daalaco.

 

 

Open chat
soo dhawoow walaal