Wasiir Seed Oo Sheegay In Wax Soo-saarka Beeruhu Kordhay Boqolkiiba 3 Boqol

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, ayaa ka warbixiyey korodhka wax-soo-saarka dalagga beeraha dalka Somaliland shantii sanno ee la soo dhaafay, gaar ahaan labadii sanno ee u dambeeyey.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Caasimadda Hargeysa Maanta waxa uu wax-soo-saarka dalagga beeruhu uu sare u kacay qiyaas dhan 300% labadii sanno ee u dambeeyey, isagoo xusay in wax-soo-saarka ugu badan soo baxay sannadkii 2019-kii, taasoo uu xusay inay qayb tahay qorshayaasha ay dowladda Somaliland ku doonayso in laga gaadho isku-filnaansho dhinaca cuntada ah.

“Sida aad ogtihiin, Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku hawlan tahay sidii uu qaranka Somaliland horumar uga gaadhi lahaa dhinaca wax-soo-saarka, markaa runtii sannadkan 2019-ku maadaama oo uu dhammaaday waxa aannu soo bandhigaynaa wixii noo qabsoomay iyo halka aannu gaadhnay dhinaca wax-soo-saarka. Waxa Ilaahay mahaddii ahayd in sannadkii dhawaa (2019) inuu roob wanaagsan helay waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa iyaduna meesha ku jirta in dhammaanba shacbiga Somaliland ee ku hawlan dhinaca wax-soo-saarku in wixii awoodooda ah ay iyaguna dedaaleen, wax-soo-saarkana sannadkanina kor ayuu u kacay,” ayuu yidhi Wasiirka Beeruhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu markaa saxaafadda la wadaagaynaa caqabadaha naga hor yimid iyo halka uu gaadhay wax-soo-saarkayagu. Marka la isbarbardhigo shantii sanno ee u dambeeyey wax-soo-saarka Somaliland iyo sida uu hadda yahay, waxa uu wax-soo-saarku kor u kacay 67%, marka loo eego shantii sanno ee ugu dambeeyey, marka loo eego labadii sanno ee ugu dambeeyeyna 300% (boqolkiiba saddex boqol) ayuu kor u kacay wax-soo-saarku, sida ay Hay’adda FAO iyo Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland soo wada saareen shalay (maalintii Isniinta) oo sare-u-kac weyn ayaa la gaadhay.”

Wasiir Axmed Muumin Seed, ayaa caddeeyey inay si rasmi ah u joojiyeen siidhka laga keeni jiray dibadda dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Intaas waxa haddana jira caqabado badan oo dadka beerolayda ah in badan dhibaatooyin badan innaga soo gaadheen. Waxa aad ogtihiin in markii hore uu dalkeena soo geli jiray siidh badan oo ahaa mid iska furan oo cid walba wax ay doonto keeni jirtay, markaa caqabadihii aynu ka dhaxalnay siidhadhkii badnaa ee waddanka soo geli jiray ayaa waxa ay innagu keeneen in gallayda iyo hadhuudhkaba uu cayayaan badan ku dhasho, sidaa darteed, weli haddana caqabado badan ayaa jira, taasi si aannu u xallino waxa aannu joojinay wixii siidh ah ee dibadda innooga iman jiray oo dhan, iyadoo aannu anagu samaynay qaybta kaydka siidhadhka Somaliland oo dib loo soo saaro, lana kaydiyo siiidhkii asalka ahaa (original seeds) ee dalku lahaa, kadibna aannu anagu siidhka u qaybino dadka beeralayda ah.”

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa sheegay in dadka beeralayda ah ee gobollada bariga iyo galbeedka dalku ay haystaan raashin ku filan ilaa inta laga gaadhayo xili-roobaadka guga ee soo socda, kadib markii sida uu sheegay inay dadku wax-soo-saar xooggan oo dhinaca beeraha la yimaadeen sannadkii 2019-ka, isagoo xusay inay arrintaasi tahay dedaal hor leh oo ay la yimaadeen dadka beeralayda ah ee reer Somaliland iyo taageero dhinacyo kala duwan ah oo ay Wasaaradda Horumarinta Beeruhu u fidisay dadka beeralayda ah, sida tababarro la siiyey iyo qalabka dhinaca beeraha oo laga caawiyey bulshada.
“Dalkasta oo Adduunka ah waxa uu hadda ku dedaalayaa inuu iskaga filnaado dhinaca cuntada iyo wax-soo-saarka dalagga beeraha. Haddii uu waddanku cuno oo isticmaalo waxyaabaha uu isagu soo saarayo waxa yaraanaysa tahriibka, shaqo la’aanta, xannuunada badan ee dadka ku dhacaya ee ka dhasha waxyaabaha aan tayadooda la hubin ee dibadaha laga soo dhoofiyo, markaa waxa aan kula dardaarmanaa oo aan ku boorinayaa shacbiga Somaliland ee ku hawlan dhinaca wax-soo-saarka inay ku dedaalaan sidii ay u labanlaabi lahaayeen wax-soo-saarka inta lagu jiro sannadkan 2020 (Insha Allaah), iyadoo qiimaynta la sameeyeyna ay muujinayso in aynu wax-soo-saarkii ugu badnaa samaynay sannadkii 2019-kaa, loona baahan yahay in sannadkana halkaas laga sii kordhiyo,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Beeruhu.

Wasiir Axmed Muumin Seed, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey dalagyada ugu badan ee dhinaca beeraha ka soo baxay sannadkii la soo dhaafay ee 2019-kii, waxaannu yidhi; “Dalagyada ugu badan ee dhinaca beeraha ka soo baxay sannadkii 2019, waxa ugu horeeya hadhuudhka oo ah in ka badan 70%, halka ay 20% soo baxday gallaydu, iyadoo ay 10% tahay qamaddiga, sisinta, tammaandhada iyo geed-gaabta, markaa sidaas ayuu u soo baxay dalaggii ay beeralayda Somaliland ku hawlannayd sannadkii 2019-ka. Waxa iyaduna intaasba garab socda wax-soo-saarka ay waddo Wasaaradda Horumarinta Beeruhu oo saddexda degaan ee kala ah; degaanka Beer oo ka tirsan Gobolka Togdheer, degaanka Xaaxi oo ah Oodweyne iyo Wajaale oo Gobolka Gabilay ah, iyadoo aannu raashinka saddexdaas meelood ka soo baxayna aannu dhawaan ku wareejin doono cidda ku shaqada leh oo ah Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka.”

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa sidoo kale tilmaamay in ayaxii ku habsaday degaanno badan oo dalka ah uu ka tegay ugaxaan badan oo laga cabsi qabo inuu dillaaco marka ay bilaabmaan roobabka gu’a ee la filayo inay curtaan bisha March ee sannadkan 2020, haddii Ilaahay yidhaahdo, saamayna ku yeesho dadka beeralayda ah, isagoo caddeeyey in qaybtii u horaysay ee ukuntaas Ayaxa ee dillaacday laga soo sheegay degaanno ka mid ah xeebaha galbeedka Somaliland subaxnimadii shalay.
“Waxa aannu ugu baaqaynaa dhammaanba Hay’adaha Caalamiga ah ee aannu wada-shaqaynta leennahay inay soo food leedahay oo koronkortaasi inay dillaacdo ay sugayso tiixa roobka, taasina haddii ay innagu dillaacdo ay dhibaatooyin badan oo ah dhinaca calafka xoolaha, dhinaca dadka beeralayda ah ee wax-soo-saarka dalagga beeraha ee la beero xiligaas ka sii horeeya roobka, gaar ahaan gallayda oo lagu beero roobka ugu horeeya, markaa waxa aannu ugu baaqaynaa Hay’adaha Caalamiga ah inay arrintaas hoos u geeyaan oo ay nala ogaadaan, waxaanna saaka (shalay subax) runtii koronkortaas laga soo sheegay degaannada ay ka mid yihiin Ceel-sheekh, Koonfurta Lughaya, Caasha-caddo, bariga iyo galbeedka Gobolka Saaxil, Oodweyne, Banka Saraar, galbeedka Boorama iyo qaybta Hargeysa-ba inuu meelaha uu Ayaxu maray laga cabsi qabo inay soo kacdo koronkortu marka roobku bilaabmo, waxaanan dadka shacabka ugu baaqayaa inay Wasaaradda Beeraha mar walba kaloo xidhiidhaan wixii ay arkaan, si aannu ka hortag ugu samayno, dedaalkayaga aannu muujino,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal