Wasaaradda Cadaaladda Oo Ka Hadashay Maxaabiis Ku Geeriyooday Xanuunka Shuban-biyoodka U Geeriyooday Iyo Tirada U Jiifta

Hargeysa (Dhamays) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Laba Maxbuus oo Shalay Xabsiga Magaalada Burco ugu Geeriyooday xanuunka Shuban-biyoodka iyo 52 kale oo Xanuunkaa u jiifa.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Khadar Axmed Diiriye oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in markii ay ka war-heleen Maxaabiista u Geeriyooday Shuban-biyoodka, ay Xabsigaasi u direen Dhakhaatiir Caafimaad si loo daweeyo 54-ka Maxbuus ee u jiifa Xanuunkaasi.

“Shalay markii aanu maqalnay waxaanu u samaynay Gurmad ballaadhan, gurmadkaana waxa iska kaashaday Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda ICRC.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Warku wuxuu sheegayay in Xanuunku ku dhuftay 52 Qof, Hal Qof baa markii hore dhintay, markii dambana Qof kale ayaa dhintay, Saakana mid saddexaad ayaa la soo sheegayaa inuu dhintay.”

Wasiiru-Dawluhu waxa kale oo uu sheegay “Maxaabiistaa dhintay waxaanu ka tacsiyadaynaynaa Eheladoodii, Samir iyo iimaana Alle ha innaga wada siiyo, innaga iyo Qarankaba.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii Maxaabiista looga Mabnuuci lahaa isticmaalka Internet-ka “Facebook iyo Twitter-ka waalla sheegay in la isticmaalo (Maxaabiistu isticmaasho)..Arrintaasi way nagu soo noqnoqotay, laakiin waa lala dagaalamayaa, Qofkii lagu arkana waa Dambi.”

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in sidii Maxaabiista loogu joojin lahaa Isticmaalka Internet-ka ay kala tashadeen Hay’adda UNODC, “Waxaanu kala tashanay Hay’adda UNODC iyo Hay’ado kale oo ka shaqeeya Xabsiyada sidii Internet-kaba laga xidhi lahaa (Meelaha ku dhow Xabsiyada), dhowr Qalab oo kala duwan baa la noo keenay oo aanu ku tijaabinay si aanu Xabsiga uga dhici karin Telefoonku. Xabsiga Hargeysa oo kale waxa Internet-kii ka xidhmay Xaafadihii u dhawaa, markaa illaa hadda waxaanu raadinaynaa nidaam ku habboon oo Internet-ka lagaga xidho Xabsiyada, laakiin wixii dhacaa (Maxbuuskii Isticmaalaa) waa tuugo, tuugadana marna way suurto-gashaa, marna waa la qabtaa.”ayuu yidhi.

 

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal