Warbixin: Tirada Carruurta ku Dhalatay Cusbitaalka Edna Muddo 15 Sanno ah

Drs. Edna Aadan Ismaaciil“Anigu waan jecelahay xirfadda kalkaalisinimada (nursing), waxaanan go’aansaday in aan cilmiga iyo xirfadaha kalkaalisonimada iyo ka umulinta dumarka…” Drs. Edna Aadan Ismaaciil

Hargeysa (Dhamays) – Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah haweenka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa sheegtay in carruur tiradoodu dhan tahay qiyaastii 22 kun ay ku dhasheen cusbitaalka Edna (Edna Adan Maternity Hospital) oo muddo 15 sanno ah ka dhisnaa caasimadda Hargeysa.

Sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu daabacay wargeyska Sunday express ee ka soo baxa dalka Ingiriiska shalay, waxa ay Drs. Edna Aadan Ismaaciil caddaysay in cusbitaalka oo si rasmi ah shaqada u bilaabay sannadkii 2002-kii uu yahay mid u adeega hooyooyinka, isla markaana ah cusbitaal lagu barto adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

“Ilmihii u horeeyey waxa uu cusbitaalka ku dhashay muddo sideed saacadood kadib markii la furay, waxaannu cusbitaalku hadda dhisnaa muddo 15 sanno ah, iyadoo ay waqtigaas ku dhasheen carruur tiradoodu tahay 22 kun (22,000) oo ubad ah,” ayey tidhi marwo Edna Aadan.

Waxa kaloo ay intaas ku dartay; “Anigu waan jecelahay xirfadda kalkaalisinimada (nursing), waxaanan go’aansaday in aan cilmiga iyo xirfadaha kalkaalisonimada iyo ka umulinta dumarka (nursing and midwifery) aan soo gaadhsiiyo dalkayga hooyo (Somaliland), iyadoo aan bilaabay in aan tababaro siiyo umulisooyinka. Maanta waxa ii yimaada qoysas ii sheegay inay doonayaan in hablahoodu ay anniga oo kale noqdaan.”

Drs. Edna Aadan Ismaaciil, waxa ay cilmiga caafimaadka ku soo baratay dalka Ingiriiska, waxayna dib ugu soo laabatay dalkeeda hooyo sannadkii 1961-kii, iyadoo adeegyada caafimaadka ka bilawday Somaliland, halka ay sidoo kale soo qabatay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland muddadii u dhexaysay sannadihii 2003 ilaa 2006.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal