Wada-hadallo U Socday Guddiyo Khaatumo Iyo Somaliland Ah Oo Lagu Soo Gunaanaday Caynabo

Hargeysa (Dhamays) –  Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar lagu soo Gabogabeeyay Wada-hadallo Labadii Maalmood ee u dambeeyay halkaasi uga socday Guddi Khaatumo iyo Somaliland, kuwaasi oo diyaarinayey Ajandaha Shir loo dhan yahay oo bishan September dabayaaqadeeda ka dhici doono Magaalada Muqdisho.

Guddiga oo markii Shirkaasi u soo dhamaaday si gaar-gaar ah Warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in Shirkoodaasi uu si wanaagsan u soo dhamaaday isla-markaana la isku Afgartay wixii laga wada-hadlayey.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Maxamed Xaaji Aadan oo dhinaca Somaliland u hadlay ayaa yidhi “Shirkan waxaa uu ku saabsanaa dhisidda ajandaha shirka loo dhan yahay waxaana ku celinaynaa guddiga 16ka bishan waana isku afgaranay”

Wasiirka Maaliyadda Khaatumo ayaa isaguna sheegay in Wada-hadalladaasi si wanaagsan la iskugu afgartay, sidaa darteed Dadweynaha ugu baaqay inay wanaag rajeeyaan.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal