Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Noqotay Go’aan Shalay Uun Ka Soo Baxay

Hargeysa (Dhamays)- Wasaarada waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa Ka Noqotay go’aan ay shalay ka Soo Saartay 7 Dugsi.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Shalay ku dhawaaqday inay Ruqsadda kala noqotay 7 Dugsi Sare oo gaar loo leeyahay, kuna yaalla Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe oo aan lagu dhawaaqin inay bilaabeen inay qaataan Arday cusub, taasi oo Wasaaradda Waxbarashaduna ka soo horjeedsatay.

Laakiin, Shir ay Maanta Wasaaradda la yeesheen Maamuleyaasha 7-da Iskuul ayaa waxay Dugsiyadu ballan-qaadeen inay ku dhaqmayaan Awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada, waxaana markaasi ka dib uu Wasiirka Waxbarashadu ku dhawaaqay in Wasaaraddu ka noqotay Go’aankii ay Ruqsadda ka kala noqotay 7 iskuul.

Warkaasi oo Faahfaahsan halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal