Ujeeddada Safar Uu Madaxweyne SIILAANYO Ku Joogo Berbera

Berbera (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Safar ku tagay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Madaxweynaha oo ay Safarkan ku wehelinayaan Wasiirro ka mid ah Xukuumadda, Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi  Cabdi, La Taliyeyaal iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal iimaan, ayaa halkaa u tagay inuu ka qayb-galo Munaasibad Shirkadda DP World si rasmiya ugula wareegayso Maamulka Dekedda Berbera, taasi oo sidoo kale ay ka soo qayb-geli doonaan Wefti ka socda Shirkadda DP World oo ka soo kicitamaya Dubai.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Deyr) oo markii Weftiga Madaxweynuhu gaadhay Berbera la hadlay Saxaafadda, ayaa ka warramay Ujeeddada socdaalka Weftiga Madaxweynaha, waxaanu yidhi “Madaxweynaha socdaalkiisu wuxuu ku eg-yahay Magaalada Berbera oo Maalinta Berri ah lagu qaban doono Xaflad si rasmiya loogu wareejinayo DP World Dekedda Berbera. Madaxweynuhuna hadal buu ka jeedin doonaa.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Ujeeddada Socdaalka Madaxweynuhu waxa weeyaan, inuu Madaxweynuhu uu Shacabka ku dhiiri-geliyo inay soo dhaweeyeen Mashaariicda Qiimaha u leh Xagga Dhaqaale iyo Xagga Horumarka kale ee Dalkan, Mashruucan DP World-na (ee Dekeddu) wuxuu ka mid yahay Mashaariicda qiimaha leh ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Gadh-wadeenka ka yahay Dalkan ka hirgelisay.”

Shirkadda DP World ayaa Maamulka Dekedda Berbera lagu wareejiyey Kowdii Bishii Saddexaad ee Sannadkan, wallow aan loo qabanin Munaasibad la mid ah tan uu Madaxweynuhu ka qayb-galayo Maanta.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal