Ujeeddada Safar Uu Maanta Madaxweynaha Somaliland Maanta Ku Tagay Imaaraadka

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta safar ugu baxay Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo ay Safarkiisa ku wehelinayaan Marwada Koowaad Aamina-weris, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Xoghayihiisa gaarka ah, ayaa ka dhoofay Madaarka Hargeysa oo ay ku soo sagootiyeen Masuuliyiin ka mid ah Xukuumaddiisa.

Safarka uu Madaxweynuhu u baxay oo qaadan doona Muddo Toban Maalmood ah, ayaa ah Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen-deyr uu ku sheegay inuu yahay mid gaar u ah Madaxweynaha.

Afhayeenka oo Saxaafadda la hadlay Safarka Madaxweynaha ka dib, ayaa yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxaa uu Maanta u baxay dalka Imaaraad Carabta wuxuuna ahaa safar khaas ah oo aan ahayn mid shaqo, muddana wuu ku maqnaanayaa, mudadda uu halkaasi joogo wixii shaqo ah ee Qaranku leeyahay ee la soo gudboonaada awalba sidii uu u qaban jiray buu u qabanayaa.”

Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil ayaa Wareysi uu bixiyey Shalay ku sheegay in Safarka Madaxweynuhu qaadan doono muddo 10 Maalmood ah.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya Xilli Xiisad siyaasadeed ka jirto Dalalka Khaliijka Carabta, kaasi oo keenay in Xulufada uu Sucuudigu Hoggaamiyaa Xidhiidhka u jaraan Dawladda Qadar oo ay ku eedeeyeen inay Argagixisada taageerto.

Xukuumadda Somaliland, ayaa Go’aanka Xulufada Sucuudigu hoggaamiyo ku taageerto Xidhiidhka ay u jareen Qadar.

 

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal