Trump Oo Quddus U Aqoonsaday Caasimadda Isreal

USA (Dhamays) – Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump ayaa isagoo ka hadlayey aqalka cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Go’aankaasi wuxuu meesha ka saarayaa siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaankii sanadood ee la soo dhaafay.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaadho bariga dhexe.

In Maraykanku Quddus u aqoonsado Caasimadda Dawladda Yuhuudda waxa hore uga digay Hoggaamiyeyaasha Dalalka Caalamka.

Madaxweynaha Turkiga oo Shalay hadal u jeediyey Baarlamaanka Dalkiisa, ayaa digniin adag u diray Maraykanka iyo Israel.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal