Toos/Live U Daawo: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Dhamays)- Doorashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, ayaa hadda si rasmi ah uga bilaabmaysa Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana Hoolka ay doorashadu ka dhici doonto ka socda hadda diyaar-garaw xooggan.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan 22 Musharrax oo jagadaas u taagan, ayaa Saacaddii loogu talogalay inay bilaabanto dib uga dhacday, taas oo sababaha keentay ay qayb ka tahay Daabulka Xildhibaannada goobo lagula ballamay lagaga gurayo Mudanayaasha codka bixinaya.

 

Maaddama oo isu-socodkii magaaladu badi xidhan yahay amniga daraaddii, arrimaha ololaha iyo isdiyaarinta ee Musharrixiintu Xildhibaannada ka dhex-wadaan awgood, waxaana doorashadaas oo Ninka ku soo baxa ee Aqlabiyadda Codadka ay Xildhibaannadu bixiyaan helaa noqon doonaa Madaxweynaha afarta sano ee soo socda Soomaaliya hoggaamin doona haddii Illaahay yidhaahdo.

 

Haddaba, doorashadaas iyo qaabka ay u dhacaysa-ba Halkan Hoose Ka Daawo.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal