Kismaayo (Dhamays) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed-Madoobe, ayaa Cafis u fidiyey Maxaabiis ku jirta Xabsiyada Maamulkiisu xukumo.
Sidaana waxa Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, kaasi oo Warkan ku dhawaaqay isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Madaxweynuhu Cafis u fidiyey 105 Maxbuus, Munaasibadda Ciidda Soon awgeed.
Maxaabiista la cafiyey ayaa waxay ku kala xidhan yihiin Xabsiyo ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland iyo Magaalooyin kale.