Tirada Dad Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Galbeedka Magaaladda Hargeysa + Sawiro

Hargeysa (Dhamays)- Saddex Rag Ah ayaa ku Geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Tuulada Abaarso.

 

Saddexdan Qof ayaa Xaqii Halkaasi ku Helay, ka dib markii ay isku dhaceen Laba Baabuur oo midkood ahaa Gaadiidka Xamuulka qaada iyo Taksi yar oo ah Nooca Looyaqaan MarII.

 

Gaadhiga Xamuulka ah ayaa la sheegay inuu siday Khudaar uu Hargeysa u soo waaridayay  hase yeeshee waxay isku dhaceen ama is-jiidheen Taksigan yar ee Rakaabka siday, taasina waxay keentay in Saddex Qof oo ka mid ahaa Dadkii la socday Taksigu ay halkaasi ku Geeriyoodaan, halka Gaadhigii Xamuulka ahaana uu dab xoog lihi ka kacay, inkasta oo aanu khasaare nafeed ka dhalan.

 

Dabka ka kacay Gaadhiga Xamuulka ah, ayaa waxa u gurmaday oo bakhtiiyey Gaadiidka Dab-damiska ee Caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo lagu soo war-geliyey dhibaatada dhacday.

 

Meydadka 3-da Qof ee Shilkaasi ku Geeriyooday ayaa waxa la dhigay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxaana in Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland Baadhayaan Sidii Uu Shilkaasi  u dhacay.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal