TALYANLE: Xildhibaan Sheegtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Hargeysa (Dhamays) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Talyanle) oo Maanta u tartamay Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada Somaliland, laakiin Hambalyeeyay Baashe Maxamed Faarax oo kaga guuleystay Hal Cod, ayaa goor dhawayd sheegay inaanu ku Qanacsanayn Natiijada Doorashadaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Talyanle)

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Talyanle)

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Maanta dhacday, ayaa waxa u tartamay Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan-Talyanle, waxaana labada Mudane u kala codeeyay 78 Xildhibaan oo Fadhiga ka soo xaadiray.

Fadhiga oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golahaasi Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa markii Cod loo qaaday Baashe iyo Talyanle kooda noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxa 39 Xildhibaan u codeeyeen Baashe Maxamed Faarax, halka 38 Xildhibaanna u codeeyeen Cabdiraxmaan Talyanle, waxaana sidaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku noqday Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaanle markii Baashe loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo isaga Hal cod kaga adkaaday Warbaahinta ayuu ku Hambalyeeyay Baashe, laakiin Shir-jaraa’id oo uu Goor dhawayd oo Caawa ah ku qabtay Xarunta Xisbiga WADDANI ee Hargeysa ayuu ku sheegay inaanu Doorashadaasi ku Qanacsanayn, isagoo ku dooday in wax is-daba marin dhacday.

Talyaanle oo ay ka muuqato Cadho badan, ayaa yidhi  “Saacaddaa laga bilaabo Anigaa ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland”

Shirka Jaraa’id Ee Talyaanle Arrintan kaga hadlayo Halkan Hoose Ka Daawo

 

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal