TACSI TIIRAANYO-LEH: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

TACSI: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Allah ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo kamid ahaa saladiinta Facaweyn ee reer Somaliland ayaa dalka Turkiga ku Geeriyooday; hadaba Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (sheekh Aadan-siira) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee JSL waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu muddo xaalad Caafimaad awgeed halkaasi u joogay.
Sheekh Aadan oo ay mudo 40 sanadood ah saaxiibo isku dhaw ahaayeen ayaa waxa uu Suldaanka Geeriyooday ku sifeeyay inuu ahaa Nabad-doon door muhiim ah ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii Qaranka JSL, kana soo jeeda saldanad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland.
Sheekhu wuxuu Suldaanka Alle uga baryey inuu u naxariisto, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Open chat
soo dhawoow walaal