Taariikh Kooban iyo Tacsi Allaah ha u naxariistee Fannaan Maxamed Maxamuud Cige (Buse)

Waxaannu tacsi u direynaa Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Buse) oo ka
tirsanaa Fannaaniinta Qaranka Somaliland, marxuun Maxamed ayaa galabta (2 July 2020) ku
geeriyooday magaalada Hargaysa, isagoo maalmahanba u jiifay xannuun haleelay.

Allaah ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige (Buse), waxuu ahaa masuuliyiinta
waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, marxuum Maxamed
wuxuu ka tirsanaa ruug-cadaayada faro-ku-tiriska ah ee wax laga weydiiyo guud ahaan Suugaanta
Soomaalida, waxaanu hibo u lahaa inuu wada hayey oo xafidsanaa inta badan Gabayadii iyo
Suugaantii dhinaca dhaqanka, waayaha ee la tiriyay labadii Qarni ee ina dhaafay loogu iman jirey.

Marxuumku waxuu ahaa Oday kala wada, kana arrimiya waxyaabaha ku soo kordha Bahda
Suugaanlayda, Saxaafadda, suugaan-dhaadhiyada, dad badan oo bulshada qiimo ku leh iyo guud
ahaan bah-weynta Fanka (Art). Marxuum Maxamed Maxamuud Cige, wuxuu ka tirsanaa Hoobaladii
caanka ahaa ee WAABARI ee suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida gaadhsiiyay dadyowga dunida.
Marxuum Maxamed wuxuu ahaa raggii wax ka soo jilay ama meteley riwaayadahii ugu magaca
dheeraa, uguna murtida badnaa ee laga dhigo Golayaashii Murtida iyo madadaalada ee xiliyadii
midowga iyo kala noqoshadii wadammadii Soomaalida.

Marxuunka riwaayadahii ugu caansanaa ee metelkiisa aan xusuusto, waxaa ka mid ahaa Riwaayaddii
Masiibadu adduuyada iyadaa u macallin ah iyo Awbustaale, riwaayadahaasi waxay
xambaarsanaayeen mawduucyo bulshada lagu tuso hab dhaqannada wanaagsan. Maxamed
Maxamuud Cige waxa uu ahaa fannaan, muusiishan, laxammiiste iyo jilaa caan-baxay oo lagu
xasuusan doono suugaantii uu ka tegay. Marxuunka waxaanu uga tacsiyadaynaynaa qoyskiisa, bahda
fanka iyo dadka afka Soomaaliga ku hadla, Ilaahayna waxaan uga baryaynaa Jannatul Fardowsa.

Haddaba, waxaa halkan tacsi ka diraya dadka kala ah; Tafatiraha Guud ee Wargaysyada Jamhuuriya
Maxamed Cumar Cabdi Cirro, Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye, Madaxa Qiimaynata Waaxda
Cududda shaqaalaha, Jaamac Cawil Nuux
Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Caqli Haddi madaxa
Tababarada waaxda Cududda Shaqaalaha, Abwaan Maxamed Xasan Cige, Siciid Khadar Ibraahim,
Xaashi Xasan Xaashi Uurdoox, Cabdirisaaq Maxamuud Caalin Cabdoo. Dhamaanteen Samir iyo
Iimaan.

Open chat
soo dhawoow walaal