Suuqyada Somaliland Oo Laga Waayay Khudaar Iyo Dawladda Oo Ka Hadashay Sababta Keentay

Hargeysa (Dhamays) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Khudraddii Daruuriga ahayd oo laga waayay Suuqyada Somaliland, ka dib markii ay Istaageen Khudaartii Somaliland uga iman jirtay Itoobiya.

Photo File:- Noocyo kala duwan oo ah Khudaarta Cuntada lagu Karsado

Khudradda Daruuriga ah, sida Baradhada, Toonta iyo Basasha lagu Cuno Somaliland ayaa badankeedu ka iman jirtay Dalka Itoobiya, laakiin waxay joogsatay markii Colaadi dhex martay Qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee Dalka Itoobiya, taasi oo sababtay in Dad badan oo Reer Somaliland ah lagu laayo Magaalada Hawadaay ee Dalka Itoobiya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Maanta Saxaafaddu waydiisay wuxuu kala socdo khudaarta laga waayay Somaliland iyo Qaaliga inta taalla, ayaa ku jawaabay “Khudaarta inteeda badan waxay inoogu iman jireen Itoobiya, laakiin waa nasiib-daro in innaga oo Roobkii haysanna, Beerihiina haysana inaynu nidhaadno khudaar-baa la waayay, qaar-baa ii yimid oo yidhi Qajidii baa nagu Qaaliyowday, Qajida Guriga Agtiisa ayuu Qofku ka beeran karaa.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay  “Itoobiya waxa innooga iman jiray Baradhada, Toonta iyo Basasha, markii horena Beerlaydu waxay odhan jireen Khudaarta Itoobiya naga joojiya, Waayo? Wax soo-saarkayaga ayaa hoos u dhacaya, Maanta markay Khudaartii joogsatayna waxa la leeyahay Khudaartii baa nagu Qaaliyowday, taana waxa sababtay dhibaatadii yarayd ee dhacday (Colaadda Soomaalida iyo Oromada Itoobiya). Dadka waxaanu u soo jeedinaynaa inay Fursadda ka faa’ideystaan..”ayuu yidhi.

Khudaarta la waayay, ayaa qayb ka ah Culaysyo badan oo Somaliland ka soo gaadhay Colaadda Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, maaddaama oo waxa kale ee Colaaddaa awgeed u joogsaday ka mid ah Qaadkii ka iman jiray Dalka Itoobiya.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal