Suudaan: Qarax Lala Eegtay Dhisme Ay Degganaayeen Dad Soomaali Ku Jirto

Khardoum (Dhamays) – Laamaha ammaanka ee Dalka Suudaan, ayaa helay waxyaabaha bamka laga sameeyo iyo baasabooro Ajanabi ah, ka dib markii uu Qarax ka dhacay dhisme ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Booliisku waxay sheegeen inay nin dhaawaceen isaga oo isku deyaya in uu rakibo miino.

Waxay sheegeen in Ninkaasi uu markaasi ka dib tagay Cisbitaal si loogu daaweeyo, balse uu iskaga tagay markii ay shaqaalaha Caafimaadka ee Cisbitaalkaasi diideen in ay daweeyaan iyaga oo aan la socodsiinin dawladda.

Ninkaas iyo dad kale ayaa hadda la baadi-goobayaa.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in dhismaha uu qaraxu ka dhacay ay deggan yihiin Masaari, Soomaali iyo Suuriyaan.
Tobanaan kun oo Suuriyaaan ah ayaa Suudaan tagay tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalkooda sanadkii 2011kii.
 

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal