Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ka Hadlay Rabshado Taageerayaasha WADDANI Dhigeen Oo Khasaare Ka Dhashay

Hargeysa (Dhamays) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay rabshado Xalay ka dhacay Qaybo ka mid ah Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, kuwaasi oo ka dhashay Hadal ay Warbaahinta Mariyeen Masuuliyiin ka mid ah Xisbiga WADDANI oo cabasho ka muujiyey Tirinta Codadka Doorashada oo qayb ka mid ah ay hufnaantooda shaki ka qabaan.

Rabshadaha ka dhacay Xaafado Hargeysa ka mid ah, Burco iyo Ceerigaabo, ayaa waxa ku naf-waayey Dad Tiradooda lagu sheegay illaa Shan Ruux, halka ay ku dhaawacmeen Dad labaatan ku dhow, kuwaasi oo ay ku jiraan Askar ka mid ah Ciidammada Booliiska.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Somaliland Maanta uma baahna wax Rabash ah ama buuq ah iyo iska hor-imaad ah. Doorashada wixii Xaqiiq ama Foojari ah ee ku jira waa la kala ogaan karaa, Cidda ka masuulka ahina Dadka u way dhaarteen inay wixii dhacay ee Xaqiiq ah inay si Cad ugu sheegaan Ummadda, Reer WADDANI-na waxaan leeyahay is-dejiya, Ummadda yaan Rabash iyo dhibaato lagu abuurin, wixii khalad ah ee ay dhacay in xaqiiqadeeda la ogaado ayaa loo baahan yahay. Ummadda reer Somaliland waxa looga baahan yahay inay Nabadgalyada ilaashato, Xisbiyadana waxa looga baahan yahay inay Nabadgalyada Dadkooda ka shaqeeyaan. Dadka reer WADDANI (taageerayaasha) waxaan kula talinayaa inay aad isku dejiyaan oo ay Xaqiiqada sugaan.”

Suldaan Maxamed wuxuu ku baaqay in Komiishanku uu soo bandhigo Xaqiiqada “Komiishanku wuxuu hayaa Xaqiiqo, Ummadduna waxay u xil-saaratay waa in Caddaynteeda la helaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan Qofna laga baryeyn inuu Nabadgalyada ilaaliyo “Qofna laga baryi-maayo Nabadgalyo, Nin walba wuu ku qasban yahay inuu Nabadgalyo bixiyo, Ciddii diiddana in Waajibeeda la mariyo weeyaan, hadduu Muwaadinin Waddaniya yahay oo uu Nabadgalyo-darro wado Anigaa soo qabanaya oo la hadlaya.”

Suldaanka guud wuxuu sheegay inaan la aqbali karin in Ummadda lagu celiyo Colaad “Ummaddani waa Ummad dhib iyo Halaag soo aragtay, haddii Maanta markii la is yidhi ka nasta haddaynu mid kale isku bilowno Ceebbaa laga qaadayaa. Ummadda waxaan leeyahay Nabadgalyadiinaa wax kasta ka muhiimsan Doorashada la sheegayo, ee aynu Nabadgalyadeena ilaashano.”ayuu yidhi.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal