Suldaan Jaamac Cismaan Adam Oo Ka Mid ahaa Salaadiinta Somaliland Oo Maanta Jabuuti Ku Geeriyooday Iyo Cabdiraxmaan Saylici Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay

Hargeysa (Dhamays) – Waxa Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti Maanta ku Geeriyooday Alle ha u naxariistee Jaamac Cismaan Aadan oo ka mid ahaa Salaadiinta Somaliland.

 

Suldaanka oo Axadda Berri lagu Aasi doono Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Shacabka Somaliland iyo ehelkiisaba ka Tacsiyadeeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Dhambaalka Tacsida ah oo soo gaadhay Hormoodnews.com, ayaa u qornaa sidan:-

 

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN -04/03/2017

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan oo ku geeriyooday 04/03/2017 Dalka Jabuuti.

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ahaa suldaan ummadda u dhex ah oo horumarka dadkiisa iyo dalkiisaba, ka horumariya arrimaha kale, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo nabad kuwada nolanshaha beelaha Somaliland.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal