Soomaaliya: Wasiirkii Gaashaandhigga Iyo Taliyihii Ciidammada Oo Iscasilay

Muqdisho (Dhamays) – Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu iscasilay Wasiirkii Gaashaandhigga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa lagu warramayaa in Cabdirashiid Cabdillaahi Maxamed uu warqad iscasilaadda ah u gudbiyay Golaha wasiirada, markaasi ka dibna laga aqbalay iscasilaadda, wallow aan la ogayn sababta keentay inuu Iscasilo.

Dhanka kale, Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa iscasilay.

Ka dib markii taliyaha uu xilka ka tagay, Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa magacaabay taliye cusub oo ay ka dhigeen Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod), sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal