Baydhabo (Dhamays) – Warar ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee Dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in toogasho ay ka dhacday Maanta Xero ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay Abaaraha.
Goob joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in toogashadan ay ku dhinteen ilaa Lix ruux, halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen.
Falkan ayaa dhacay kaddib is rasaasayn dhexmartay qaar ka mid ah ciidamada amniga Maamul-gobolleedka Koonfur Galbeed oo goobta ku sugnaa.
Ilaa hadda ma cadda wuxuu khilaafku ka dhashay iyadoo wararka qaar sheegayaan in dhinac ka mid ah dhinaca is rasaaseeyey loo diiday in ay gallaan xerada barakacayaasha oo raashin lagu qaybinayey.