SOOL: Ciidamo La Wareegay Garoon Diyaaradeed Oo Qaad Ka Soo Degay Iyo Waxa Sababay

Laascaanood (Dhamays) – Ciidammada Booliiska iyo kuwo Qaranka ee ku sugan Laascaanood, ayaa Maanta la wareegay Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi, waxayna Xanibeen oo ay la wareegeen Qaad Ganacsade Reer Sool ah ka soo waarido Kenya.

Ciidammada ayaa la sheegay inay Qaadka ula wareegeen in Ganacsatada lihi ay diideen inay bixiyaan Cashuur lagu kordhiyey isla-markaana ku bixiyaan Lacagta Somaliland.

Dadweyne Diiddan Qaadka uu Ciidanku la wareegay ayaa isku soo bax ka sameeyay Duleedka Madaarka Macmalka ah ee Laascaanood, iyagoo dalbanayey in Qaadka oo uu leeyahay Ganacsade lagu Magacaabo Jabuutaawi Ciidanku siidaayo, si loogu iibiyo suuqyada Laascaanood.

Ciidammada ayaa markii dambe Qaadka ku siidaayey Waan-waan iyo Wada-hadal dhex maray Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Laascaanood, waxayna markaa ka dib Ganacsatada qaarkood oo halkaa Warbaahinta kula hadlay sheegeen inay diyaar u yihiin inay Bixiyaan Cashuurta lagu kordhiyey, laakiin Shilinka Somaliland oo Dawladdu doonayso inay ku bixiyaan aanay haynin, maaddaama oo Lacagta Somaliland aanay si wanaagsan uga shaqeynin deegaannada Gobolka Sool.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal