“Somaliland Waa Meesha Kaliya Ee Aanad Arkayn Gabadh Timo Qaawan..” Faysal C. Waraabe

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa duulaan horumarka Somaliland ka dhan ah ku til maamay eedaha loo  jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso, eeddaasi oo ah in macalimiinta Shabakada Abaarso ay diinta Masiixiga faafiyaan.

Faysal Cali Waraabe oo Shalay la hadlay Warbaahinta ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waad aragtaa in guushii aynu gaadhnay ee Adduunka oo dhami inoo soo jeedsaday maanta la doonayo in la xaaraameeyo, iftiinkii inoo baxaba waxa la doonayaa in la dumiyo, waxaana la isticmaalayaa qaar inaga ah” ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku daray “Somaliland waa meesha kaliya ee marka Sucuudiga laga yimaaddo, aanad arkayn Gabadh timo qaawan, shaleemo, tiyaatar, shiishad, waa dhul asturan, barakaysan haddana iskuulka carruurtaydu dhigato ayaa la leeyahay waa gaalo, aniga la i yidhi kaniisad buu furay” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Qaar kamida dadka baraha bulshada isticmaala ayaa dugisiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo oo ka farcantay ku eedeeya in macalimiintooda oo ajaanib ahi ay ardayda baraan waxyaabo diinta Islaanka ka dhan ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office

 

Open chat
soo dhawoow walaal