Somaliland-tii 1884, Somaliland-tii 1991 Iyo Somaliland-ta Maanta Waa Midkee?!!!

Somaliland Ictiraaf Ma heli karta?

Reer Sheekh Isaxaaq in kasta oo ay ka soo Dagaalameen Xaq-darro iyo Caddaalad-daro isla markaana ay ka Guulaysteen Dawladii uu hogaaminaayay Siyaad Barre, haddana markaad dawladnimada Somaliland u fiirsato waxaad arkaysaa inay xaq-darradii iyo caddalad-daradii Iyo waxyaabihii laga dagaalamay intuba maanta ay ka jiraan somaliland.

 

Waxaana Tusaale kuugu filan hab-dhaqanka Maamul iyo Dawladnimo ee kuraasta iyo Xilalka ugu sareeya dalka oo ku dhisan mid dhinac kararan Taasi oo ka fog cadaalada, milgahii, qadarintii Iyo sharaftii ay Hidaha+ dhaqanka u lahaan jireen Reer Somaliland.

 

Madaxda maanta ee somaliland waa qaar Sad-bursiimada Eexda qabyaalada iyo ku-takri-falka hantida ummada iyo awooda dawladnimo intaba xalaashaday oo u haysta in ay iyagu dhaxal u heleen oo aan cidi la lahayn.

 

Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego! ayaa laga hayey AHN Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc. Sadbursiinta Mansabyada, xillalka, iyo hantida ay qaateen beesha dhexe markad ka tagto, tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal an sheegno:

TAALOOYINKA: Astaamaha taalooyinka ah ee laga sameeyey magaalada caasimaada ee Hargeysa hadaad eegto waa Diyaarada khayriyada, Kaaraha Bar Hargeysa, iyo taalada Gacanta Dhagaxtuurka ee Maxkamada. Hadii Taallo loo samayn lahaa Sayid Maxamed C. Xassan way badhxi lahayd, waxayna xoojin lahad Midnimada iyo Qarranimadana Somaliland.

MAGAC-BIXIN: Dadka loogu Magac-daray Dugsiyada, Xaafadaha, Waddooyinka, iyo Xarumaha Dawlada gebigooduba waa wada ISAAQ, iyagu dhexdooda si ay u kala badsadeen ba. waxaa xusid muddan raggan haldoorka ah ee Samaroon, Harti iyo Gabooye ba leh ee Somaliland usoo halgamay halkee lagu ilaabay:

1. Maxamed Saalax Nuur fagadhe.

2. Suldaan Jaamac Gooddaad.

3. Muj. Siciid Cali Giir.

4. Muj. Yaasiin Xaaji Nuur.

5. Fuaad Adan Cadde.

6. Gudoomiye. Axmed M. Qaybe.

7. Abwaan Xuseen Awfaarax Dubad.

ilaahay dhamaantood ha u naxaariistee raggan iyo rag badan oo kale oo aanan halkan ku xusin, hadii loogu magac-dari lahaa way badhxi lahaayeen, waxayna xoojin lahayd Midnimada iyo Qarranimadana Somaliland. AHN Axmed M. Qaybe oo ahaa Gudoomiyihii Gollaha Wakiilada ee Somaliland markuu dhintay waxay xukuumada Federalka ee Somalia ugu magac-dartay aqalka Wasaarada A. Dibbada ee Soomaaliya, xurmadaa wuu lahaa Marxuun Qaybe laakiin Somaliland waa tii uu AHN Abwaan Gaarriye sheegay ee yidhi "Aasid Og".

Nin aanu saaxiib nahay oo Reer Laasqoray ah, ayaa maalin dhaweyd aanu kaftanay markaasuu igu yidhi "Xuseenow Somaliland ISAAQ ba kuma filna ee maxaad noogu yeedhaysaan ilmaadeerayaal".

Wuxuu hadana raaciyey tusaale kale "ISAAQ baa Dawladnimadii Somaliland iyo wixii dhexyaalay ba qaatay oo haysta, intaa kumay joogine hadana nimankayagii Harti ee cabanayay bay na dhaceen, oo taariikhdii yareyd ee noo hadhsanaana ayey qaateen, Saldanadii Guunka ahayd ee Warsangali iyo Mujaahidiintii Daraawiish ee Dhulbahante wad la wareegteen, oo imika ISAAQ baa ah Suldaanka Guud ee Somaliland & Mujaahidiinta Somaliland SNM baa ah"

"Markaa horta haba joogto waxay ISAAQ bixiyaane, haday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan (Warsangali) ay u aqoonsadan Suldaanka Guud ee Somaliland, oo Dawaawiishna u aqoonsadaan Mujaahidiinta Somaliland, Waxaaba la aqoonsan lahaa Somaliland" Falaadhi gilgilasho kaagama godo waa run, arin xaqiiqa ah ayuu sheegay.

Beri dhawayd oo aan Ethiopia tagaynay aniga iyo Cabdifataax Rashiid Maxamed, ayaanu booqanay dugsi la yidhaa Genaral Wengate Polytechnico, waa dugsigii sare ee uu ka baxay Raiisal Wasaarihii hore ee Ethiopia Males Zenawi. Ninka na waday oo Ethiopian ah ayan weydiiyey taariikhda Genaral Wengate, anigoo is leh kolay waa halyey ciidan oo Ethiopian ah, wuxuu ii sheegay inuu Genaral Wengate ahaa Geranal ingiriis ah oo caawiyey Ethiopia waqtigii ay la dagaalamaysay Talyaaniga, sidaa darteed dugsigan loogu magac-daray.

Markiiba waxaa igu soo dhacay Dugsigii Axmed Gurey, Xuseen Giirre, Xallana, Gacan libaax iyo dugsigii Riis oo magacyadii laga badalay, isla markaana odayo Isaaq ah looga boobay. Waxaanan gartay in dadka taariikhdooda ilaalishada waddaniyadu ku jirto, Somaliland na waddaniyadii qabiil bay ku badalatay.

Hadaba waa suaale, Somaliland iyada oo sidan ah ICTIRAAF miyey heli kartaa? Mooyi, Bal adba! Hadal iyo dhamaan, Somaliland Protectorate-dii 1884 ee ingiriisku maxmiyada ka dhigtay hala doono, taas ayaa ICTIRAAF heli kartee waayo: Somaliland tii 1884 waxay ahayd Somaliland loo dhan yahay, bari ilaa galbeed. Somaliland ta 1991 waa Somaliland la kala leeyahay (ISAAQ-aysan) oo hadana Isaaq dhexdiisa isku haysto Reer hebel baa badsaday iyo Reer hebel baa badsaday.

Dhalinyarooy Balanteenu waa inaynu Somaliland hagaajisano, balanteenu waa dardaaran kii Abwaan Hadraawi inoogu sheegay Maansadiisa Gudgude.

Gubuxsiga maruun bay tirsiga meel kasoo geliye.

Gargaraacisteediyo hadayn geedka didinteeda

Allow Eex ma tiraabine

Aqoon haygu cadaabin

Qalinkii:-Xuseen Badhaani.

Open chat
soo dhawoow walaal