Somaliland: Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo Dhoola-tus ku soo Bandhigay Fagaarayaasha Magaalooyinka Dalka

Xisbiga WADDANINuxurka khudbadaha masuuliyiinta xisbiga WADDANI u jeediyeen taageerayaashooda iyo ballanqaadyada ay doonayaan inay hirgeliyaan

Hargeysa (Dhamays) – Kumanaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee   WADDANI, ayaa dhoola-tusyo ballaadhan ka sameeyay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka Dhamayshuuriyadda Somaliland maalinta koobaad ee xisbigu u lahaa ololaha doorashada madaxtooyada ee u muddaysan inay qabsoonto 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.

Masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga ayaa kala qaybgalay isu soo baxyada taageerayaasha oo kala hadlay fagaareyaal ay camireen taageerayaasha ku labbisan calanka liimiga ah ee xisbiga WADDANI, kuna gaashaaman sawirrada murrashaxa madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Ku-xigeenkiisa Dr. Maxamed Cali Cabdi.

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Xoghayaha guud ee xisbigaas Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, masuuliyiin sarsare oo xisbiga ah, Salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa fagaaraha beerta xorriyadda caasimada Hargeysa kala qaybgalay kumanaan taageerayaasha xisbiga ah oo isaga yimid xaafadaha iyo degmooyinka kala duwan ee magaalada Hrageysa, isla markaana halkaasi uga jeediyay khudbado ku saabsan barmaamijka xisbiga iyo isbeddelka loo baahan yahay in lagu sameeyo talada Somaliland.

Xisbiga WADDANI

Hoggaamiyaha xisbiga   WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa taageerayaal wacdaro ka dhigay magaalada Ceerigaabo kala qaybgalay ololaha doorashada, isla markaana ku boorriyay in ay codkooda la ogaadan xisbiga   WADDANI. Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee WADDANI Md. Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde ayaa isna  taageerayaasha kala qaybgalay dabaal dega magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, iyadoo uu siyaasiga Maxamed Biixi Yoonis isna magaalada Burco kala qaybgalay taageerayaasha xisbiga ee halkaasi ku muujiyay cududooda. Cabdirisaaq Khaliif ayaa isna magaalada Laascaanood kaga qaybgalay isu soo baxa ololaha, halka meelo kalena ay madaxda xisbigu kula dabaal dageen taageerayaasha ololaha ka sameeyey magaalooyinka iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland.

Guddoomiyaha ololaha ee xisbiga   WADDANI Mr. Xamse Khayre ayaa taageerayaasha xisbiga uga mahadceliyay isu soo baxa ay cududooda ku muujinayeen. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay telefoonnada kala hadlayaan laba boqol oo kun oo qof (200,000 qof) oo ay waydiisan doonan codkooda, isla markaana ay dadka guryaha ku garaaci doonan.

“Waxaan jeclahay in aan ka jawaabo afhayeenka xisbiga KULMIYE oo sheegay in xisbiga WADDANI la soo hadlay dad, isla markaana dadku carruurtooda la soo hadlaan. Waxaan leeyahay annaga oo   WADDANI ayaa dadka la soo hadalnay codkooda ayaanu waydiisanaynaa, xaq bay u leeyihiin, dastuurka Dhamayshuuriyadda Somaliland ayaa xaq idiin siiyay in aad codkiina yeelataan ma cid baa idinla leh codkiina? Walaalayaal, dadka cagtana waynu ugu tagaynaa, codna waynu kula hadlayna inta doorashada ka horaysa 200,000 (laba boqol oo kun) oo qof ayaanu telefoonka kala hadlaynaa, waa barmaamijkii u horeeyay taariikhda doorashooyinka Somaliland ee xisbi taageerayaasha qof qof ula hadlo, dadka codka ayaanu waydiisanaynaa, codkaanu ka baryaynaa, waxaan halkan ka caddaynaya in xisbiga   WADDANI dadka qof qof ula hadli doono,” ayuu yidhi Mr. Xamse Khayre oo ku eedeeyey xisbiga KULMIYE in aanay waxba ka garanayn ka faa’iidaysiga tignoolajiyadda casriga ah.

Xisbiga WADDANI

Xoghayaha Guud ee xisbiga   WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa sheegay in bulshada ay u wadaan hoggaamiye waayo-aragnimo badan u leh maamulka, isla markaana dalka gudihiisa iyo dabaddiisa ka soo shaqeeyay. Waxa uu sheegay in Murrashax Cabdiraxmaan Cirro ka soo shaqeeyay dawladdii Soomaaliya oo uu heer safiir ka gaadhay iyo tobaneeyo sanno oo uu hoggaamiyaha saddexaad ee Somaliland ah, sidaas awgeedna uu yahay hoggaamiye waayo-arag ah.

 “Waxaannu idiin wadna hoggaamiye samir iyo dulqaad leh oo dadka ka dhawra hadallada xun ee ragga qaar ku faanan ee ay ummadda u quudhan, isla markaana aan marna eray xun ku odhanayn qofka yar iyo ilmaha yar midna, laakiin go’aanka saxda ah qaata, waxaa la socda nin diblamaasi ah oo ka soo shaqeeyay safaaraddaha dibadda oo aad iyo aad u degan oo aan madaxweyne-ku-xigeen u ahayn nin ee Qaranka Somaliland madaxweyne xigeen u ah,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Murrashaxa Madaxweynaha   WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa u mahadceliyay taageerayaasha guud ahaan gobollada dalka isugu soo baxay “Waxaan idiinka mahadcelinayaa in aad cadceedda taaggan tihiin saacado badan una dul qaadateen cadceedda aad taaggan tihiin. Waxaan doonayaa in aan la hadlo shacbiga Somaliland ee caasimadda Hargeysa, waxaan u diraya dadweynaha Somaliland aqlabiyadda shacbiga isbedel doonka ah ee meel kasta oo dalka ah bannaanada u taaggan muujinta dareenkooda. Maanta waa maalintii saddexaad ee ololaha doorashada. Maanta oo Isniin ah waxay bilaw u tahay bannaan baxyada badbaadada Qaranka, waxay kaw u tahay shacabka rajo doonka ah, waxay kow u tahay dib u soo noolaynta ididiilada dalka, waxay kaw u tahay daawaynta isbedel doonka ee xisbiga shacabka ee rajada shacbigu ku midoobay. Maanta waa dharaar shacbigu kala dooranayo mustaqbal iyo meel la’aan, waa dharaar aynu hiil u doonayno Qaran ina wada deeqa, waa dharaar aynu ka hiilin doono kala qoqobka codka la idinkaga doonayo,” ayuu yidhi murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal