Somaliland Oo Waxaan Dhici Karin Ku Sheegtay In Maamulka Hawada Lagu Wareejiyo Soomaaliya

Hargaysa (Dhamays)  – Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland, ayaa ka hadashay hadal Shalay ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka ee Soomaaliya, kaasi oo Nuxurkiisu ahaa in Hay’adda ICAO ay Sannadkan gudihiisa Maamulka Hawada Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ku wareejinayso.

War-saxaafadeed uu Maanta soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Ismaaciil Cali Axmed, ayaa agu sheegay in Maamulka Hawada Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ay Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO Maamulayso illaa ay Heshiis ka gaadhaan Somaliland iyo Soomaaliya oo isku haya, sidaa darteedna aan Soomaaliya lagu wareejinayn, Hadalka Soomaaliya ka soo yeedhayna yahay waxba kama jiraan.

War-saxaafadeedkan oo soo gaadhay Dhamaysnews.com ayaa u qornaa sidan “Sida aynu la wada soconay waxa jiray wada-hadallo u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa heshiis in laga gaadho wixii la isku odhan jiray Hawada Soomaaliya oo maanta ay wada leeyihiin labadan Dal ee kala go’ay ee Somaliland iyo Soomaaliya, heshiiskaas oo hore la isugu afgartay in la dhiso guddi madax bannaan oo ka kala socota labada Waddan oo wada maamula Hawada, xafiiska laga maamulayaana ahaado Caasimadda Somaliland ee Hargaysaa. Arrintaas dhinaca Dawladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya ayey ka fuli waayeen, sidaas ayuuna wada hadalkaasi ku hakaday.

Iminka waxaa la filayaa in uu dib u bilaabmo bisha 9-aad ee foodda inagu soo haysa wada-hadalkaa hawada, go’aamadii hore loogu heshiiyey in Soomaaliya fuliso ayey wali Somaliland sugaysaa ee beesha Caalamka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Duulimaadka Hawada ee ICAO goob jooga ka ahaayeen.

Hawada Somaliland iyo Soomaaliya sida uu horeba u sheegay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe waxa xukunta ICAO, Muqdisho iyo Hargaysa toona lagama xukumo  ee Hay’adda ICAO ee Qaramada midoobay ayaa maamush,  nidaam bay leedahay Wasaaradda Duulista ee Somaliland aanu ku kormeerno, wakhtigii Soomaali loo qabtay in ay Hawada ku heshiiyaana waa gabagabo oo haddii lagu heshiin waayo waxaa sii maamuli doonta Hay’ada ICAO.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal