Somaliland Oo U Digtay Diyaaradaha Aan Sharciga Ka Haysan

Hargeysa (HMN) – Dawladda Somaliland, ayaa Digniin u dirtay Diyaaradaha aan Ruqsadda ka haysan ee soo fadhiista Garoomada Diyaaradaha ee Dalka ku yaalla.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland aanay dammaanad qaadanaynin Nabadgalyada Diyaaradaha iyaga oo aan Ruqsad ka haysan soo fadhiista Garoomaha Diyaaradaha Somaliland.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhammaan Diyaaradaha waxaanu ku War-gelinaynaa, ama Nairobi ha joogaan, ama Halkan ha joogaan in aanay ka soo degi karin Garoomada Jamhuuriyadda Somaliland Diyaarad aan Ruqsad ka haysanin Somaliland. Waxaanu u sheegaynaa Shirkadaha Diyaaradaha in aanaan Damaanad-qaadanaynin Nabadgalyadooda iyo bad-qabkoodaba hadday isku dayaan inay ka soo degaan Garoomada Somaliland.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal