Somaliland Oo Tv-yada Dul Dhigtay Amar Hoos Loogu Dhigayo Wararka Somaaliya

Hargeysa (Dhamays) – Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay Amar ku socda Telefiishannada Madaxa-bannaan ee ay leeyihiin Muwaadiniinta Somaliland isla-markaana Xarumahoodu ku yaallaan Magaalada Hargeysa.

Amaawiirtan cusub oo Maanta laga soo saaray kulan uu Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye uu ugu yeedhay Madaxda Telefiishannada Madaxa-bannaan oo ka dhacay Xafiiska, ayaa dhigaya in Telefiishannadu ay xilliga War-tebintooda soo hor-mariyaan Wararka ku saabsan Somaliland, kuwa khuseeya Soomaaliyana ay raaciyaan ama ku daraan Wararka dibedda.

Awaamiirtan oo dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay inay bilaabmaan Maanta ku beegan 09/09/2019-ka, ayaa lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed u qornaa sidan hoos kaaga muuqata:-

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.