Somaliland oo sheegtay In aanay Ethiopia Wax Share ah ku lahayn Dekada Berbera!

ITOOBIYA WAX SHARE AH KUMA LAHA DEKEDA BERBERA!!


Hargeysa (Dhamays)- Somaliland ayaa sheegtay in Itoobiya aanay ku lahayn wax share ah Dekeda Berbera, ayna ka saartay 19% ee Itoobiya ay ku lahayd maalgashiga Dekeda Berbera.

Itoobiya oo arintaas ka falcelinaysa ayaa joojisay shirarka ay wada qabsan jireen wasiirada Somaliland iyo Itoobiya.Si loo daboolo qaybta Itoobiya, ayaa CDC Group waxa ay sheegeen innay buixinayaan qaybta Itoobiya, waxana arintaas aqbalay DP World.

DP World waxa ay u sheegtay CDC Group in ay iibsato waxa afka Ingariiska lagu yidhaahdo ” Minority Share”,taas oo ay aqbashay CDC Group.Wadada dhawaan laga dhisayo Hargeisa oo ay ku baxayso £18 milyan ayaa ah maalgashi cusub oo ay bixinayso CDC Group.

Iyada oo dawlada Abiy ay afka ciida darayso, ayaa lagu amaanay Somaliland go’aanka ay qaadatay.Wixii maalgashi cusub ah ayaa ay u egtahay in DP World iyo Somaliland ay la sugayaan dawlada cusub ee Itoobiya laga filayo in ay ka dhalato.

Posted by: Ahmed Adam
Isniin, November 1,2021

Open chat
soo dhawoow walaal