SOMALILAND INDHAHA AYEY KA LAABANAYSAA AWOODDA ( SOCIAL MEDIA)

Hargeysa (Dhamays)- Soomaaliya ayaa waxa ay galinaysay dhaqaale ( Social Media ) afartii sanee u dambaysay.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu fahmay in ( Social Media ) ay leedahay awood adag,halka Madaxweynaha Somaliland Mousa Bihi Abdi uu iska indho tirayo awoodda ( Social Media ) ay ku leedahay caalamka,isaga oo aaminsan Radio Hargeisa,iyo idaacadaha laga leeyahay Somaliland.
Ceba Cestard ayaa hore u sheegay in ” baraha bulshada ” ay tahay ciidan aan muuqan oo la dagaalamaya cadawgaaga.
Lixdii saacadood ee ugu dambeeyey ayaa dadka u qaabilsan barobogaandada dawladda Muqdisho, ay soo saareen warar been abuur ah,wararkaas oo sheegaya in saraakiil sarsare oo ah TPLF ay todobaadkii sadexaad ku dhuumanayaan magaalada Hargeisa.
Warkaas oo loo soo dhiibay nin u dhashay Somaliland oo lagu magacaabo Abdirizak Terra,kana mid ah dabadhilifyada u qaabilsan Soomaaliya borobogaandada,ayaa sheegay in saraakiishaas Tigreega ah oo ku sugan Hargeisa ay la xidhiidheen dawladda Masar,ayna sugayaan in ay mar labaad isku urursadaan gudaha Hargeisa.
Dhinaca kale,dawladda Somaliland ayaa ah mid aan maqlin talooyinka muhiimka ah ee dadka uga aqoonta roon ay soo jeediyaan.
November 5,2019 ayaa ay Freedom House sheegtay in wadamo aad u badan ay isticmaalayaan ” baraha bulshada”,si markaas ay u weeraraan wadamada ay colaadda ka dhaxayso,waana mid faa’iido leh.
Freedom House says:” More governments than ever are using social media to push propoganda”.
Freedom House:” Wadamo ka badan kuwii hore ayaa u isticmaalaya baraha bulshada dagaalo barobogaando ah”.
Mar labaad, ayaa Mike Abramowitz oo ah Madaxweynaha Freedom House, uu sheegay in Propoganda ay u shaqayso marmar si ka fiican dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeya laba wadan.
JAWAABTA SOMALILAND
Ilaa iyo hadda ayaa Somaliland ay si daciif ah oo liita ay kaga jawaabtaa borobogaandada Soomaaliya marka ay soo gaadho baraha bulshada.
Mar sadexaad aan eegno jawaabta Stanford University ay ku sharaxday muhiimada dagaalka borobogaandada.
Stanford University:”;Borobogaandada wakhtiga dagaalka ayaa ah mid aad u muhiim ah,waxana badanaa loo adeegsan karaa hub ahaan, iyo awoodda ka timaadda taageerada dadweynaha.
Awoodda lagu kasbado taageerada dadweynaha, waxa ay la mid noqon kartaa mid muhiim u ah sida awoodda dagaal ee wadan uu kula dagaalamayo wadan kale.
Dacaayadaha dagaalka,ayaa waxa ay saamayn ku yeeshaan dad badan,hadaanay kuba yeelan samayn dagaalada waaweyn”.
Stanford University” Wartime propoganda is so important that it can often be used as a weapon because of the power that comes with public support.The ability to win public support can be just as important as the ability to fight the war.Wartime propoganda has been a major influence in many,if not all,of the major wars”.
Sidoo kale, buuga uu qoray Garth S.Jowett ee lagu magacaabo( Propoganda&Persuasion) ayaa kuu cadaynaya, in dawlad aan isticmaalin ( Propoganda War ) ay tahay dawlad daciif ah oo cabasho badan.
Garth S.Jowett:” Hadii aad diido in aad cadawgaaga u adeegsato Propoganda War,markaas u diyaar garoow in aad hoos timaado,waayo waxa aan ku jirnaa dagaal aan la isticmaalayn hub”- page 127″.
Xigasho: Aqoonyahan Ahmed Adam

Open chat
soo dhawoow walaal