Somaliland: Doorashada Madaxtooyada Oo Si Habsami Ah U Socota

Hargeysa (Dhamays) – Guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, waxa ka bilaabantay Doorashada Madaxtooyada oo lagu kala dooranayo Saddex Musharrax oo midkood noqon doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Shanta Sannadood ee Soo socda.

Doorashada Madaxtooyada oo ay ka qayb-galeen Dad ka badan 7 Boqol oo kun, ayaa si Nabadgalyo ah Dadweynuhu ugu soo baxeen Goobaha Cod-bixinta oo ka kooban 1,642 Goobood oo ku kala yaalla Lixda Gobol ee Dalku ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Saaka 7:00 Subaxnimo ay si Habsami ah Cod-bixinta Doorashadu uga bilaabantay Guud ahaan Goobaha Cod-bixinta, iyadoo Meelaha qaarkoodna Dadweynuhu ay Goobaha Cod-bixinta Safaf dhaadheer u galeen ka hor Salaaddii Subax, wallow qaarkood sheegeen inay Saddexdii Habeenimo safka galeen, si ay Codkooda uga dhiibtaan Doorashadan.

Madaxweynaha Xilka haya ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro iyo UCID Faysal Cali Waraabe oo Doorashadan Codkooda ka dhiibtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa, ayaa Dadweynaha uga Mahad-celiyey siday Doorashada ugu soo baxeen, waxayna ugu baaqeen inay Nabadgalyada ilaaliyaan.

Maanta oo ah Maalinta Doorashada Madaxtooyada ayaa waxa Fasax ah Shaqaalaha Dawladda, waxaana xidhan inta badan Suuqyada Dalka, waxaana Dadweynuhu ku mashquulsan yihiin Cod-bixinta Doorashada.

Waxa xusid mudan, in aanu jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo Gaadiidka Dadweynaha loo ogol-yahay, marka laga reebo tiro kooban oo ah Gaadiid Komiishanka Doorashooyinka Qaranku siiyeen Taariko gaar ah oo u ogolaanaya inay dhaqdhaqaaqaan, gaadiidkaasi oo ah kuwo Xisbiyadu leeyihiin, kuwo Caafimaadka iyo Hawl-wadeennada Adeegyada aan Istaagi Karin, sida Gaadiidka Dab-damiska iyo kuwo kale oo kooban.

Ciidammada kala duwan ee Somaliland, ayaa heegan ku jira isla-markaana sugaya amniga Guud ee Qaranka.

Doorashada ayaa la soo gebogabaynayaa Lixda Makhribnimo ee Maanta sida Sharcigu yahay, waxaana Lixda Makhribnimo Hawada laga saari doonaa Baraha Internet-ku ee Bulshadu ku xidhiidho, sida Facebook, Whats Up iyo kuwa la midka ah, si looga hor-tago in Warar aan sugnayn oo Doorashada waxyeelaya looga hor-tago.

Ugu dambayn, Doorashadan waxa kormeermaraya illaa 60 Goob-joogeyaal Caalami ah oo ka socda 27 Waddan, kuwaasi oo ay wehelinayaan illaa 600 oo Goob-joogeyaal Maxali ah, halka ay Hargeysa ku sugan yihiin illaa 15 Safiir oo ka socda Dalalka Midowga Yurub, Maraykanka iyo Dalal kale.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Dareen-celiyey Cod-bixinta Doorashada Somaliland Kadib Markii uu Codkiisa Bixiyey

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal