Somaliland: Ciid Ay Dabaylo Riixayaan Oo Aastay Tuullo

Ceel-gaal (Dhamays) – Ceel-gaal waa Tuulooyinka hoos-yimaadda Degmada Saylac ee Gobolka Selel, waxayna Juquraafi ahaan dhacdaa Badhtamaha Banka Lama-degaan u Ekaha ah ee yaqaanno Giriyaad.

Tuuladan ayaa la degay 1932-dii, halkaasi oo Gumaystihii Ingiriisku ka qoday Ceelka Tuulada loogu Magac-daray ee CEEL-GAAL, Wallow Wakhtigan Dadka halkaa ku nooli ula baxeen Tuuladooda Ceel Islaam.

Haddaba, Mucjisada ku habsatay Tuuladaasi ayaa ah Dabayl Siigo badan wadata oo aan Hadh iyo habeen kala goynin, gaar ahaan Xilliyada Xagaaga, kaasi oo Waxyeelo badan soo gaadhsiiyey Nolosha Dadka halkaa ku dhaqan, ka dib markii ay aasmeen Guryihii ay Dadku ku noolaayeen.

Muuqaal uu Telefiishanka HCTV ka soo duubay ayaa muujinaya Guryaha ku yaalla Halkaasi oo Ciid nooca Saxaraha ahi aastay. Guryaha qaarkood ayaa Ciiddu gaadhay Saqafka u sareeya, markii ay dhaaftay Daaqadaha.

Arrintan oo lagu Macnayn Karo Masiibo, ayaa Dadka deegaankaas ku nooli sheegeen inay ka dhalatay Abaaro ku soo noqnoqday Gobolka Selel, kuwaasi oo meesha ka saaray Dhirtii Tuulada ka qaban jirtay Ciidda ay Dabayluhu riixayaan.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal