Somaliland: Baabuurta Dawladda Ee Lambarrada Laga Beddelo Oo La Ururinayo

Hargeysa (Dhamays) – Ciidamada nabad-galyada waddooyinka Somaliland ayaa bilaabay hawl galo ay ku qabanayaan baabuurta dawladda ee lagu isticmaalo lambarka baabuurta shacabka ah.

Taliyaha ciidamada nabad-galyada Waddooyinka Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Jaamac ayaa sheegay in amarka ay ku qabanayaan baabuurtani uu yahay mid guud oo ka soo baxay dawladda, waxaanu farriin u diray cid kasta oo haysata baabuurtii dawladda isla-markaana ku xidhay lambarka u gaarka ah baabuurta dadka shacabka ah.

Ugu horayn Gaashaanle Faysal Xiis oo ka hadlaya  hawl-gallada ay ciidamada amaanku fulinayaan ayaa waxaa uu yidhi “Dhawr baabuur ayaanu qabanay, waxaanan gaynay wasaaradda hawlaha guud, amarkaasina waa mid guud oo dawladda ka soo baxay, ciddii wadata baabuurta GT waa  inay ku xidhaan lambarkii saxda ahaa ee loogu tala galay.”

Taliye Faysal Xiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Ciidanka Booliska guud ahaan gaar ahaan ciidanka nabadgalyada waddooyinku waxay ka shaqaynayaan baabuurtii ay dawladdu lahayd  oo intoodii badnayd lagu xidhay lambar Somaliland ah, waana sharci daro, waxa weeyaan in baabuurta dawladda loo ogol yahay inay ku xidhaan lambaradii ay dawladdu lahayd (GT), kaas ayaana lagu soconayaa oo laga hawl-gelayaa, haddii ay yaalaan meelo gaar ah iyo haddii ay yaalaan geerashyadaba waa laga soo qaadayaa baabuurta dawladda, waxaana lagu xeraynayaa wasaaradda hawlaha guud, waxaanan ka codsanaynaa cid kasta oo haysata baabuurtaas inay iska soo xereeyaan ama ay ku xidhaan lambarkii gaadiidka dawladda.”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal