Siyaasi Iyo Saxaafad Aan Korayni Dalkii Waa Dib Dhigeen !! – W/Q: Xil. Maxamed Jaamac

Waxaan dhammaanteen mashquul ku nahay siyaasadda iyo dhegeysiga siyaasi oo inoo soo mariyo fariintiisa qaybaha kala duwan ee saxaafadda. Waxaa laga yaabaa in sababta aynu sidaas wakhtiga badan ugu siinay in ay tahay shaqo la,aanta iyo kala sooc la,aanta hawlaha dadkeenna oo aan runtii lagu qiimayn qof weliba wuxuu yaqaan.

Waxaan subax iyo habeenba akhrinaa joornaal iyo Websiteyo aynu ka raadino xogaha iyo wararka la xidhiidha maxaa xisbi hebel maanta yidhi ama hebel oo hadlay maxaa kasoo kordhay.

Nasiib daroo waxaa markiiba kuu soo baxaya bogaga hore oo ay ku xardhan yihiin, CALI GUREY OO KABAHA LA DUL MARAY MUSHARAXA WADANI, XIRSI OO KARBAASHAY MUUSE BIIXI, ISMAACIIL YARE IYO ABIIB OO SI XUN U CAAYEY MUUSE IYO MARWADA, Waa tusaale uun. Markaad sii akhridid adigoo ah dadkii ay xisbiyadu rabeen in ay kasbadaan codkaaga, waxaad ka dhex helaysa ciwaankaas, waxa aan kaa farxinayn waxna ka tarayn wixii aad ku xulan lahayd cidii dalkan iyo dadkan hogaamin lahayd.

Waxaan dhegeystay Cali Gurey oo marar badan leh Cirro ma aaminsanayn qaddiyaddii SNM, dhiig uma shubin dalkan oo dharaarihii dhibta wuxuu u shaqaynayey Siyaad Barre. Muusena wuxuu ahaa rukumaddii dalka xoreeyey.

Muwaadinka codka bixinaya ee ay aafaysay shaqa la,aanta iyo sixir bararka ee caruurtii ka tahriibtay xikmad badan u samayn mayso wixii uu hore hebel u ahaa ee waxa xigmad u samaynaysa in uu dhegeysto dariiqad looga bixi karo dhibta haysata dalkan iyo barnaamij cad oo uu qodob qodob u akhriyo una aamino.

Waxaan dhegeystay Xirsi oo fagaare burco ah ka hadlaya oo leh musharaxa aan wadnaa waa farxaan qosol badan oo dabacsan, waxaa lagu xantaa jileec, ma jilicsana ee waa naxariis badan yahay, musharaxa Kulmiyena ma qoslo ee soo hela isagoo qoslaya, afkuu taagaa , waa nin aan dabacsanayn oo adag, musharaxa wadanina afka ma taago.

Wuxuu la hadlayaa shacabka Somaliland ee uu ka rabo codka. Xigmadu maaha in uu afweyn yahay iyo in uu af yar yahay musharuxu, in uu qosol badan yahay iyo in uu qosol yar yahay, ee xigmadu waa in uu mid kastaa leeyahay karti iyo aqoon iyo barnaamij cad oo ka soo fulay laamaha go,aan gaadhista ee xisbiga oo aan beri kula xisaabtamo. xigmadu waa in aan ammaano ku doorto. Reer Burco waxay u baahan yihiin madaxweyne dalka hore u dhaafiye halka uu maanta marayo, baahiyaha, bulshadana wax ka qabta sida biyaha caafimaadka, waxbarashada, tahriibka, horumarinta xoolaha iyo beeraha, la dagaalanka qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, soo celinta hantidii la lunsaday iyo xeerar la xidhiidha.

Marka saxaafaddu siyaasiga sidaas u hadlay sixi weyday ee ka dhigtay ciwaanka kana aan kor ku soo sheegay miyaan siyaasiga iyo saxafigu caqligaaga Muwaadin caayin.

Waxaan mar kale maalin dhaweyd dhegeystay xubno wadani hadda ah oo uu weheliyo musharaxu oo Allaybaday ka hadlaya.

Waxaa isoo jiitay ereya inta badan xubnihii Xisbiga kulmiye ka baxay ay adeegsadaan oo ah Musharaxa Wadani ee aan wadnaa wuxuu leeyahay cid idinka ka qabata, tasoo macnaheedu yahay xagga dhaqanka wuxuu leeyahay xidhe. Xidhe waa la yaqaan oo waa xigtadaada. Muusena helimaysaan cid idin ka qabata oo macnihii reerkoodu ma qaban karo. Ma cay baa ma amaan baa. Islaanta joogta Allaybaday uma baahna xidhe iyo fure ee waxay u baahan tahay tamaandhada yar ee ay beerto cid suuq iyo warshado iyo meelo ay ku kaydsato u samaysa, lacagta yar ee ay ku iibisana qiime ugu yeesha, macne uma leh in madaxweynuhu hoos eego iyo in uu kor eego.

Waxaan is weydiiyey tolow madaxweynaha haddaan muwaadin ahay oo uu igu xadgudbo ma dastuurkaan u baahnahay in uu iga qabto mise waxaan u baahnahay in reerkoodu iga qabtaan oo aan u tago gar iyo gardaraba.

Ma waxaan ku kala doortaa kan reerkoodaa kaa qaban doona kanna reerkoodu kaa qaban maayo, mise waxaan ku kala doortaa sida ay ugu dhaqmayaan dastuurka iyo wixii ummaddu dhigatay. Miyan cay ku ahayn caqliyada codka laga rabo.

Waxaan is weydiiyaa tolow ajendaha xisbiyadu ma cayda xubnaha ka soo hor jeedaa. Aragtida siyaasiyiintu goormay koraysaa oo dhaafaysaa hebel baa sidan ah iyo hebel waa farxaan.

Miyaanay ceeb ahayn in saxaafaddu inagu mashquuliso hebel oo hebel caayey. Miyaanay ahayn nasiib daro in aanay siyaasiga weydiinayn shalaydiisii ee uu intuu wuxuu doono sameeyo hadana uu waji kale soo xidho oo uu haddana isagoo taariikh madow leh uu ku yidhaahdo maantana anigaa ku hogaaminaya, isagoo masuuliayddiisii shalay dayacay.

Xisaabtankii mee.?

Waxan soo jeedinayaa in musharaxiinta tartankooda laga dhigo dood dadka u furan oo garashadooda iyo aqoontooda hogaamineed lagu qiimeeyo. Cayda iyo kabahaa lala dulmaray laga gudbo.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal