Shir Lagu Ridayo Hoggaamiyaha Khaatumo Oo Muqdisho Laga Abaabulayo Iyo Khaatumo Oo Ka Hadashay

Widh-Widh (Dhamays) – Kooxda Khaatumo, ayaa ka so horjeedsatay Shir Abaabulkiisu ka socdo Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed Beelaha Dhulbahante ah, kaasi oo ay doonayaan inay dhawaan ku qabtaan Buuhoodle, kuna beddelaan Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Kooxda Khaatumo waxa kale oo ay ka hadleen Shirkii Dawladda Somaliland iyo Khaatumo uga furmi lahaa 10-ka bishan Juulaay, 2017-ka, kaasi oo dib u dhacay.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar oo Shir-jaraa’id ku qabtay Degmada Widh-Widh oo Xarun u ah Khaatumo, ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in Buuhoodle lagu qabto Shir ujeeddadiisu tahay in lagu beddelo Cali Khaliif Galaydh.

Masuuliyiintan ayaa Dadka wada Shirkan ee Haatan Muqdisho u jooga  Abaabulkiisa uga digay Shirkaasi, iyagoo Tilmaamay inay masuul ka noqon doonaan wixii ka yimaadda.

"Dadka Xamar ka wada shirarka ee leh waxaa lagu qabanayaa Buuhoodle shir waxaan leenahay laguma qaban karo” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo, waxaanu intaa ku daray “Haddii ay isku dayaana wixii ka dhaca iyagaa ka masuul ah"

Ugu dambayn, Wasiirka Arimaha Dibedda Khaatumo Maxamuud Ismaaciil (Shabbac) ayaa ka hadlay shirka Burco uga furmi lahaa Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu sheegay inay ilaa hadda ixtiraamayaan ballantii ahayd in Shirka la qabto Tobanka Bishan oo Maanta ku beegan.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal